Addis(SBN)DAAWO Wararkii ugu danbeeyay Xaalada Ethiopia oo wali Cakiran Socdaana Shirkii Xisbiga dalka ka taliya ee EPRDF


Wararka naga soo gaadhaya wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in gabi ahaanba wadanka ay kabilaabatay shidaal la’aan aad uwayn, waxaana suuqyada magaalooyinka lagu arkayaa safaf aad udhaadheer oo ay gaadiid laydu ugu jiraan si ay uhelaan woxoogaa shidaal ah.

Shidaal la’aanta laga dareemay guud ahaan wadanka ayaa timid xili ururada dhalin yarada ee qoomiyadaha Oromada iyo Axmaaradu ay soosaareen go’aano kadhan ah shirkadaha shidaalka ee Dawladu leedahay iyo waliba kaalimaha shidaalka ee TPLF ay ku ganacsan jirtay.

Dhinaca kale waxaa maalinta Maanta ah oo Talaado ah guud ahaan wadanka kahirgalaya amarkii ururada dhalinyarada ee QEERRO iyo FANA, kaas oo dadwaynaha lagaga codsaday in ay weerar kuqaadaan shirkadaha Dawlada u adeega gaar ahaan kuwa shidaalka wadanka soogaliya.

Goob jooge yaal kusugan magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in mudo yar kadib amarkii dhalinta kasoo baxay uu joogsaday soogalitaankii shidaalka ee wadanka dibada uga imaan jiray, waxaana hal maalin uun kadib bayaankii dhaliyarada siwayn looga dareemay shidaal yari wadanka kajirta.

Booyadaha shidaalka keena ayaa lasheegayaa in ay gabi ahaanba ka istaageen wadamadii ay shidaalka kasoo qaadi jireen ee Sudan, Kenya, Somalia iyo Jabuuti Cabsi darteed kuwaas oo maalinkasta ay kasoo gali jireen kumanaan booyadood oo shidaal sida.

Dadka gaadiidlayda ah ee wadanka Itoobiya kusugan ayaa sheegaya in magaca shidaalka lawaayi doono kadib markii howlgalada kacdoon wadayaashu ay bilowdaan, waxaana guryaha lagu xarayn doonaan malaayiin baabuur ah oo guud ahaan wadanka kashaqaysa

dhalinta Qeerro iyo FANA ayaa dhankooda balan qaaday in ay iska difaaci doonaan ciidamada gaarka ah ee Agaziga kuwaas oo isku dayaya in uu shidaalku wadanka soogalo

ku soo biir Subulaha news network..facebook/subulahanews