Borama(SBN) Wararka Lagu Kalsoon Yahay Ee Soo Gaadhaya Xariirad Ayaa Sheegaya In Dagaal Beeleed Aan Sababin Wax Khasaare nafadeed Uu Ka Dhacay Maanta Barqadii Deegaanka Degmada Xariirad Ee Gobolka Salal,

Sida Aynoo Xaqiijiyeen Ila Wareedyo Xog ogaal ihi Waxaa Dagaalkani Uu Salka Ku Hayaa Dhul Beereed Kuwaasi OO Mudooyinkii Ugu Dambeeyeyba Ay Isku Maandhaafsanaayeen Labada Beeleed Ee Maanta Uu Dagaalku Ka Dhex Qarxay Kuwaasi Oo Kala ah Beesha Dudub Cismaan(J/Yoonis) Iyo Beesha Reer Geedi(Ciise).

Xaalada Deegaanka Xariirad Ayaa Iyadu ah Mid Aad U Kacsan Oo Gudaha Magaalada Ay Ka Dheceen Iska Hor Imaad U Dhexeeya Shacabka Dagan Magaalada Kuwaasi Oo u Kala Saftay Beelaha Maanta Dagaalku Ka Dhex Qarxay Xariirad Ayaa Ah Magaalo Labada Beeleed Ee Dagaalku ka Dhex Qarxay Ay Wada Dagan Yihiin.

Dhawaqa Rasaasta Ayaa Waqti Xaadirkani Si Goos Goosa Looga Maqlayaa Deegaanka Dhagaxa Malaaseed Oo ah Halka Ay Ku Yaalaan Beerahani.

Dhinaca Kale Xidhiidh Aan La Samaynay Maamulka Gobolka Salal Iyo Kan Degmada Xariirad Oo Aan khadka Telephone kula Xidhiidhnay Ayaa Noo Xaqiijiyey In Ay Dagaalkaasi Saaka Dhacay Hase Yeeshe Imika Labadii Kooxood Ee Dagaalku Ka Dhex Qarxay Ay Kala Hor Joogaan….

Wixii Warar Ah Ee Ka Soo Kordha Dagaalkaasi Waxaan Idiinku Soo Gudbin Doonaan Wararkeena Dambe Iyo Waliba Waraysi Aan La Yeelanay Maamulka Deegaankaasi….

 

ku soo biir Subulaha news network..facebook/subulahanews