Nairobi(SBN)DAAWO) Sidii wararkayagii hore aan idiinku soo gudbinay ayaa waxaa wax iska badaleen wararkii hore ee aan shaacinay ee ahaa in uu burburay wadahadaladii u dhexeeyey ONLF iyo Ethiopia.

Dadaalo dheeraad ah oo ay muujiyeen gudigii dhexdhexaadinta labada garab ayaa ugu dambayntii waxay ku guulaysteen in bid la isug soo laabto iyadoo labadii garabna ay hadda kuwada sugan yihiin halkii ay kuwada shirayeen

Arinta ugu muhiimsan ee lagu kala booday ayaa ah cidda saxiisaysa wixii lagu heshiiyey iyadoo hadda lasheegayo in uu jiro dadaalo xoogan oo ay wadaan beesha caalamka iyo dowlada kenya oo ahayd tii fidisay gogosha wadahadalka.

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in saraakiisha ciidanka ee dhanka Ethiopia umatalayey wadahalka ay beesha caalamku si wayn u caanatay iyadoo usheegtay in hadii ay rabaan in xal laga gaaro khilaafka ay muujiyaan bisayl siyaasadeed.

Hoos Ka Daawo

ku soo biir Subulaha news network..facebook/subulahanews