Diridhawa(SBN)Wararka naga soo gaadhaya ayaa sheegaya in mudaharaad balaadhan oo lagaga soo horjeedo dawlada Federaalka Ethiopia uu ka dhacay magaalada Diridhaba mudaharaadkan ayaa noqonya kii ugu horeeyay ee kadhaca caasimada labaad ee dalka kaas oo sida la sheegay iska hor imaad dhex maray ciidamada Booliska Fedaraalka iyo dadka Mudaharaadayay waxaana inta la ogyahay ku geeriyooday laba qof oo ay haleeshay Rasaas nool nool oo loo adeegsaday

Dhinaca kale waxa la sheegay in markii ugu horsysay mudaharaadka ay di wadajir ah uga wada qayb qaateen Oramada iyo Somalida oo iyagu wada daga magaalada

Xaalada Guud ee Ethiopia ayaa ah mid aan daganayn mudooyinkan danbe kacdoono badana kaga furmeen meelo badan oo dalka ah meelaha qaarkoodna aanay dawlada dhexe katalin ama tagiba karin diyaarado mooyee

ku soo biir Subulaha news network..facebook/subulahanews