Cadaab, cadho iyo ciil oo reer awdal u dheer. waa qormo aan ku eegayo, s.land dhacdooyin, sooyaalka waayihii ay soo martey, wakhtigan hada lagu jiro iyo waliba mustaqbalka soomaali land. xaasha dhaqan keena suubaan iyo diintu islaamku ma ogolo in laga hadlo wax yaalaha qaar sida dumar ama qoys, walaw xitaa ay jiri karaan shay isha soo jiita oo aan loo bogin. laakiin si wax loo saxo waa laga hadli karaa ayey ila tahay, siyaaadada iyo siyaasiga xilka uu doono ha hayo ama cimri kasta ha ahaadee . isagu waa nin xil qaadey eed qaad ama nin ciyaar tuntey ilaaq dalbey.

Hadaba mar kale anigoo sheekada halkii hore ka sii wada. laga soo bilaabo tan iyo maalintii talada dalka kulmiye kala wareegey xisbigii Udub  waxa muuqata in isku duubnidii, wada jir ama wada joog (inculution) kala duwanaanta dhinac kast (diversity) sinaan (equality) cadaalad (justice) iyo dulqaad (tolerance) sii yaraa-nayaan. ama wax wada lahaan shihii iyo kala dambeyn meesha ka sii baxa yaan post udub party era. gurigii Morgen ee bolli qara ee madaxtooyada s.landna  tahli kari waayey in uu wax ka qabto ama noqdey meel xisaabat ka jar iyo qaybi (minis and division) kaliya looga shaqeeyo.  fikir iyo fahan gudhey awgeed. siyasiyiin waa wayna ay si cad u sheegi jireen in xigto, xamas iyo xaawaley ka taliso.  siyaasadana mudadii dambe laga soo unko  maijlis, marfash, maqaayad iyo social media oo qudhiisu raad wayn ku leh arinta..   dabadeed dib loogu soo celiyo madaxtooyada si saqda dhexe looga soo tahriibiyo xilal, xaakino iyo xidigo ciidan ama  dad cayiman ah lagu naaso nuujo. lagana  yaabo qaarkood in ay xafiis lahayn ama qayrru distoor yihiin. odeygii loo doortay shaki galey shaqadii iyo sheed ama maqal iyo muuqaal midna la hayn. (paranoid out of touch out of sight) in shrcigii wadanka iyo sharaftiisa  faragalin xun lagu sameeyey (the power abused and misused) majority gii doortey hungo, hunguri gaagax, huq iyo ciil lugooyo muteen.(never mind the downtrodden masses that swept him to power) taas oo keentey in madax-waynahay cusub lagula dar daarmo  in uu talada gacan buuxda ku hayo go’aankana isagu yeesho oo aysan beeshiisu la maamulin kana dhigan maaaloodi (scarescrew) wax lagu cabsiiyo dad, shinbir iyo dugaaga  habeen iyo maalin. sidaas darteed waxa mudadii dambe wadanka ku soo batey rag badan oo intey inan yar oo baahan reerkood ah oo wariya sheeganaya waxoogaa siiyaan guri makarafoon la hor joog-sada. qabtana  wax ay ku sheegaan shir jaraa’id oo aan cid loo aaba yeeleyn cay iyo hanjabaad,  sida dalalka dariska ah madaxda qaranka somali land,  kuwa dhaqanka iyo muwaadinka kalaba oo qaarkood cv shaqo lagu helo u noqotey habeen oo dhana u soo jeeda xilalkaa aan sarey ku sheegey oo xulafo, xigto iyo xaafad gaara la siiyo. tusaale, waxa jirtey in xitaa mar ay siyaasiyiin  ku sheega reer awdal iyo odey dhaqameed  cabasho,  calaacal iyo Canaantii  looga bartey dawlada u soo jeediyeen in loo adeegsadey sifo sharciga ka baxsan tv iyo idaacada qaranka si loo bah dilo loona tuso in ay isku dad iyo aragti yihiin kan ay ka cabanayaan iyo midka ay ku calaa-calaan. halka aan iyaga wararka madax majio aan midna  lagu soo drain. dameero hooyadood isku haleyn ayey dabada uga nuugaan. markaa ree awdal wax lee-yahay  hadii aad midnimo muujisaan sidooda oo kale  waad la gor-gortami seddexden maamul’ee gacan ku  rimiska ah ee hareeraha idinka xiga iyo kuwa kala ee soomaaliyeed hadii kale baryo iyo baahi ka bixi maysaan waligiin.. .( if you are united we can bargain with the artificial somalis states srounding us, , but if we are divided we beg them for ever) so (united we bargain, divided we beg) that is our motto from now on) snm kama ay fikirin is daba yaaca badan, is burinta, been abuur iyo poropgand , hadal deel qaaf ah oo dooda ay qabaan wax faa’ida ku soo kordhin,  dadka kalana didiya oo la isku bahaysto.  saqiir, kabiir, odey dhaqmeed, iyo qayru masuul, oo xataa maasuul dawladeed iyo ku xisbi midna dhawrayn ethics (nidaanka,  hanaan, hufnaa, anshax, asluubta iyo akhlaaqda) siyaasada  iyo tooda dadnimo midna in aysan waxba tareyn , sida kan duul-duulka badan ee malinta dhawayd lahaa Ethiopia cudur iyo caydh ayaa inooga timaada, iyo fiisaha 10 qof wax ka badan lagamahelo. inagana $10 doller kama soo galaan xagooda. shalay wuxu lahaa waa walaala-hay iyo wiilka addis ku dhashey ayaa iga xiga ka.Xamar jooga. horeyna reer awdal u caayey dhawr jeer, oo uu gumaad ugu hanjabey. tusaalle maalintii ciyaalka garoonka kubada cagta lagu xasuuqay, maxay la buuqayaan soomaliya labo wasiir ayey ku lahaayeen, imika ayaa la siiyey sedxe ayuu yidhi., sdii mujaahjaahid siilaanya ku sheegey damiir iyo dadnimo liidata wuxu  moodayaa in aan dhabar jabin, dhuuni, doller iyo darjo raadineyaan reer awdal, uma muuqato. mana arko, hooga, hayb sooca,  hagar daamada,  iyo cidhiidhiga ay ku hayaan beelahan isku bahayste dhul boobka, dulmoga dadka iyo duunyada lagu hayo “hadii ay dhaheen. “ninkii doonaa ha xukumee  (h. jeclo ama h.awal ama wada jir jeegaanba) cadaalad iyo cadka aan ku leeyahay ha la idinka hello ma ceebaa?” dammy iyo dheel-dheel dawlad la matalay ayaa lagula heshiin laa yahay ee ta dhabta maxay noqon tollaw?. ma arko miyaa? mise shilino ayuu ku qaataa murtida, masalooyinka iyo musuq-maasuqa uu ka hadlo Mr Martin, boqorka iyo suldaankiisii calaacalka tv la hor taagan had iyo jeer!. ama ma og yahay?  in uu laftiisu yahay xiniinyo wax uma tegaan wasakhina kama hadho oo uusan waxba dhaamin reer awdal…
Teeda kale, alla ayaa u sheega, inta kalana ogoeysiiya in aan hadal badan haamo laga bixin.  fake ambassador kii lahaa reer hebel waa minorty (tiro yar). in la ogaadey in tirada badan(majortiy or quantity) meel gaadhi karin kaligeed, hadaan lagu badhxin inta yar oo tayo (quality) leh. soona kordhin karta karti cusub, talo, tilmaan iyo toosinta arrimaha murga, guud ahaana hadii aan wax qabadkooda la tix galin, qadarin, qiimaynin, xaqa iyo xuquuqda dadka oo dhan la ilaalin in aan harumar lagaadhin Karin. bal is bar-bear dhig xukuumadii riyaale iyo tan cayda xilka ku siisey. xil barar, sixir barar, xilkii dhaqanka ayaa noqdey aafo qaran oo markii magac la kale waaye cir, dhul iyo bad la isku haysto. qabyaalad (neoptsim) wasiika waxa eryey agaasimihiisa, saraakiisha ayuu dabluha suuqa iyo gurigiisaba ku garaacaa, xaalku wada barar nolosha dhinac kasta oo laga eego lu gooyo . waayuhu cidhiidhi.waxa intaa u  dheer masiibooyin dabiici ah oo ka dhashey inkaarta, sidan iyo sidan waxbaa dhacay iyo  la waayey badanaa, iska hadlaw ina igare markaa mujaahid ma noqdey  from hero to zero. xasuuso ambassador, quudhsi, qawl xun iyo qala-lasso abuur qaran hore ayaa ku dumey taas.. waa nin iyo dabeecadii iyo dhaqankii  gadabuursi iyo iidoor. allaa xaal og inta dulmigii laga daagaalamey jiro iidoor aqoonsi riman. inta kale fadraal riman.  in meel loo socdo u malaymaayo, maantana farbaan dhiqi ee ha fadhiyo geelu ayuunbaan lagu jiri. xisaabna waa ta askhiro.  ku-waas oo kale oo had iyo jeer ka hadla shaqo wasiiradii loo igmadey joogaan ayaa siyaasadii dalka ka dhigey sheekadii dab casar. waayo masuul wuxuu sheegi lahaaba suuqa la soo galiyey war uma yaalo ama wax uu la shir tego. waana mid la arko in ay nusqaan kale ay beesha iidoor u leedahay is burin, is daba wareeg iyo is daba yaac fara badan oo waliba isla wada saxan, kala fahmin rhetoric and the reality (baala xooftada, bahaa-bahaa, roorsiga siyaasada iyo xaqiiqda kala sooci karin.) kaasoo mar mar sababa iska hor imaad dhexdooda ah sida salaadiinta mar xeedho iyo fandhaal kala dhaceen maanta is xag xagayneysa.. xaqa afka la qabto fadheeha ayuu ka dilaacaa. (contradictory, inconsistent or in conflict within themself).  taas oo noqon karta sababta ay dawlada fadraalku is kaga dhego mariso (ignored) waxaasi oo cay, caga juglayn iyo cabaad ah  in ay arki waydey illo rasmi ah oo la isku halayn karo ama mudan in la aamino oo lala xidhiidho mar hadey masuuliyiintii u dhaqmeen ama  u caytamayaan sidii social media ama daaqada waalida. kuna dartey daaqadaha fadraalka.  (no official sources and trust worthy people to contact them). halkaana wax ka cad   cilmi, caqli iyo caado  in ay ka shaqayn waayeen soomal land kadib markii ay beel kali ahi ay wax walba maroorsatey. madaxii ayaa mijo loo rogey. waan ka xumahay  macal asif.

Sida casriga ama caadiga ah (standard) ee caalamka ka jirta. waxan u malaynayaa shir jaraa,id  waxa qaban kara oo kaliya (xukuumada,  xisbi iyo xildhibaan ama qof loo.igmaday. ama xildhibaan ah (independent or not)  ama dawlada ka tirsan oo soo ban dhigaya  siyaasada la isku raacay oo lagu dhaqmi doono ama difaacaya go’aan ay qaadatey. haduu ka soo horjeedo xukumada uu ka tirsan yahay ama  dan u ahayn umada uu xildhibanka u yahay go’aan kaasi wuu ka soo horjeedsan karaa. qoka labaad waa in uu xisbi ka tirsan yahay oo diidan ama ku raacsan siyaasada dawlada ama soo ban dhigaya sida la haboon iyo qorsha xisbiga uu ka tirsan yahay ka qabo arintaa ama guud ahaanba siyaasada dhanka uu doono ayuu u qaadi laakiin markasata waa in uu ku saleeyo tan xisbiga sharci hoosaad iyo ka guud  wax walba aas aas looga dhigaa distoorka dalka.  waxa intaa dhaafsan waa wariye ama cilmi baadhe (surveyor) dadka  wax ka waydiinaya arrimaha markaa taagan (current issue) ama is bar- bar dhigaya, miisaamaya mar-xalado kala duwan. muhiim iyo maadeys waxay ay doonaa ha ahaadeene qiyaas, qiimeyn ama xog raadin ku jira.
Marka runta laga hadlo ama  xisaab la soo hadal qaado waxa loo dudaa in snm wax laga sheegay ama la neceb yahay reer sheekh Isaaq. oo iidoor qaar yidhaa nin galbeed ka yimid nirrig gaaroodu ku dhalatey ayaa dhaanta.
Hubaal ma dafirayo halgalkii faqash la dirirkii iyo mujaahidiinta snm ee dhiiga u daadisey iyo kuwii ku naf waayey gobonimada. wixii dhintey alle ha u naxariisto. inta noolna cafimaadka alle ha u daayo. laakiin gobonimo markii ay  cunfi, cage jugleyn, ciil iyo cabsi ku anqariyeen ama  habeen waa tii hagaastey  ee xaqiiqda hadaan laga tegin colonel rayaale ayaa rajo ku soo koriyey oo dhiig caafimaad qaba beeshiisa uga shubey. marka  ay yidhaahdaan caano na sii odhon jirey horta reerku ha dego diideyna taladooda. hora loo yidhi daacadnimo ninkeedii dishe daawo gadabuursi. midh kaas oo run ah, waayo reer awdal ma gartaan, kama guuraan godka laga qaniiney laba jeer iyo ka badan. guud ahaan ma gudbaan cashirka siyaasada geeska afrika. mise gabay abwaan reerkiisa ku dagaal galiyey ayey wax ka jiraan. oo iyagana sameeyey imika. wuxu yidhi!!!    “MARKA QALIN DARAALAHA FOODA LA IS DARO.      DUGSIGA IYO DIINTIYO.        DARAJO LA ISKU QABSADO. IMTIXAANKA LOO DEGO.   KA DUL DHIGA JAWAABTIYO HAL-DOORKAA INTA DAADATA U BADAN”  mise manaahijta iyo taarikhda  maqluubka loo rogey (forged criclaim) ayaa raad xun ku yeeshy taas oo uu isla abwaanku mar kale lahaa !!!!   DEGMADAYADA    DUGSI KALIYA AYAA JIRA.   REER KALIYA AYAA DHIGA.     DERSI BAANU BARANAA,     DULLIGA IYO BEENTIYO.        DOQONIIMA FAANKA IYO,.    QO-QOBKA IYO DIRSOOCA IYO,     DUCADA IYO YABOODA IYO      DAWARSIGU KAW KA YAHAY,      DIGASHADU U MUDAN TAHAY,  kaadi ayaa loo soo cabey ayuu casharku  maanta  marayaa.   oo waa wax reerah kale imtixaanka guud top 20 looga waayey malaha………ops. waxa la iska indha tiri karin. aqoon yahano iyo siyasiyiin reer awdal ah oo duruusta ku qaatey correspondent. lax dhukani col iyo abaar moog. sida labo tolle oo markuu soo guryo noqdey dadkii u midoobey dartii  adigoo mooda farahood sida maalinta ciida carafaad, halkii broor diiq iyo tacsida dadkii la xasuusan 1991 iyo tacadiyadii ka dambeeyey laga filaayey. dhufays hebel ma taqaan? iyo xeegee joogteen maalmihii kululaa ? hal xidhaale uga dhigey, deetana hargrysa u dhaafey isagoo daneyn jawaabtii la siiyee oo ahayd in gurigiisii iyo geestii aabihii degenaa maqan yihiin. laakiin  soo gooji, guul wadee ama casharatul mubashirriin ku sheeg dagaal ooge, dhalasho been iyo dheel dheel midna laguma gudbo imtixaanka jabhad iyo geel jiraha oo wasiirbaad sheegtee ri geeska jaban lagu aamini waayey isla markaa in uu tol qudha leeyahay la xasuusiyey..  halkuu dadkiisa ku soo noqon lahaa oo uu geel jiraw dhuguflaw  dhegeyso u qaadi lahaa muuqiisa la waaye ee la baafinayo..  dual iyo monopoly ayaa iskaga la’aaqmey malaha oo wali dictionary ka baadhayaa. u gacan haadiya oo axsaan u sameeya  wali rajaa jirtee kaaley oo na hogaami ha la yidhaa. professor you know United we stand!!!!!   raali ahaada, xamaasa iyo xanaaq ayaa ila tegee mar kale aan u noqdo halkii aan u socdey.
Hadana sidey doonta ha ahaatee, laxejeclo aan ka qabno soomaali land ku wareejiney gobonimo oo ku lamaan democracy curdin ah oo arrad iyo haraad midna qabin meel fagaare ah oo loo dhan yahay mujaahidka wayn madax-wayne hore mm.silaanyo. oo loo haystey aabihii halganka smn.
Mujaahidk silaanyo isagu xoox iyo xig kama gaa-gixin, si fiica ayuu u maaley joogo-joogada(dammy). jufadiisa gar-adag iyo gacal ama guud ahaan jeegaanta wuu ka haqab tirey. gobonimase igadh hagaasey noqotey. oo dimoqraaiyadii dhimatey. nafaqo daro (malnutrition) ayaa ku dhacdey lafteedii, Isaaqiism tolaay iyo tala xumadii lagu ol-oleeyey heestii ismoog xisbigii udub ayey wali as-leysaa ee loo qaadey daahir daacad cawaaqib xumo imika ayey muuqataa. beeshii Shelley isku meesha u jeedey ayaa maanta iska hor jeedshey, koley sidii loogu lisey uma hambeyn mujaahidku. intuu dar-daarankii madax waynihii ka horeeye iska iloobey ayuu xisbiga kulmiye  iyo kuwa kalba qoor qabad tiisa ku marsiiyey oo  natiijadii doorashada dhinac isaga riixey kii uu doonayey xukunka ku wareejey meel aan loo dhameyn. jooga ama maqanow,  “it doesn’t matter”.  si loogo daba tegin wixii buul, boosas, banaan, beeso, bank iyo bada kol ay ku tahay  private port. ee la is daba mariyey. gobonimo wax ay imika marti u tahay madax waynahay cusub Colonel Mujaahid Muuse oo digtoonaw iyo discipline ama edeb iyo akhlaaq wacan. mujiyey isla markaa jeediyey qudbad kulul qiimo badan. inkatoo laga yaabo in dadku kala aragti duwan yahay oo dadka qaar u arkayeen in uu ku bilaabey gole ka fuul, godob, guhaad, goolaaftan, goodin  iyo gujo hoose. mar haduu kala iloobey in uu martida ka simo salaanta cadho uu qabey awgeed. in ay isla markaana adag tahay in uu cadaalada dadka wada gaadh siiyo. inta badanse way soo dhaweeyeen mujaahidka iyago rajeynaya in uu istimaali doono xisaabta kala duwan (general mathematics) . waxase durba saluug badan ka jiraa xaga saamiga. markii uu soo dhisey dawlada u eg ama ku dhaw (identical or similar) xaga tirada iyo u qaybinta beelaha iyo waliba dagaal uu bariga ka bilaabey kalshaale vs tuke-raq inay isaga mid yihiin tii ugu horeysey ee macalinkiisa. awrba  kan hore socd kiisa ayuu leeyahay waa mar kale iyo caadadood qaybiyaa wada qaata!! taas oo shaki wayn laga qaadey. maadaama horey wax xun oo kaliya loga  sheegi jirey. waa halkii awdal stars.ka daa qabiil qaran baa ka roon, isku duubinadaa door dhashee ka daa, midnimaa horu mar lagu hantaa ka daa. hadal iyo dhamaan aniguse intaas ka sokow, waxa leeyahay hop the best, prepare for the  worst. fursad ha la siiyo  in mudo kooban ah. inta uu dawlada soo dhamays tirayo mujaadhidku.. sidii reer xamar dhanka xun wax ha ka eegina oo ha odhanina sharkiisii iska filo khayr waxa kaama dhimee.
ugu dambeyn si uu u xasuusto colonel muuse. in qabyaalada qayaxan ee soomaali ka soo if baxdey khaati laga joogo waxa mar kale booqanayaa hobolada fanka iyo suugaanta reer awdal oo aan salaan, hambalyo, mahad naq iyo ixtiraam (tribute, appreciation and respect) u hayo. kuwaas oo had jeer dareenka shacaka,  dhib ka jira gobolka iyo taca-diga lagu hayo gaar ahaan iyaga soo bandhiga.   dhgeys wacan waa kuwan:-

allaw la jir soomaali land.

sorry for inconveniences.
qaytii 3’aad way soo socotaa.
3rd part coming soon. inshaaale.

freelance journalist.
c. cabdilaahi caynaa
caynaan1990@ gmail.com

hargaysa

ku soo biir Subulaha news network..facebook/subulahanews