Hargaysa(SBN) Musharxii madaxweyne ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cbadilaahi Ciro iyo wafti u hogaaminaayo ayaa maanta duhurkii waxaa ay safar ugu baxeen gobalada Galbeedka Somaliland gaar ahaan gobalka Awdal.

 

Murashaxa Waxaaa safarkan ku wehelinaya musharixiisa madaxweyne ku xigeen AMB Maxamed Cali Awcabdi iyo masuulyiin kale.

Ujeedka Safarka Gudoomiyaha Waddani ayaa waxaa uu yahay sidii uu ugu soo mahad celin lahaa taageerayaasha xisbiga Waddani ee gobaladaasi isla markaana codkooda siiyey xisbiga Waddani wakhtigii tartanka doorashada Madaxtooyada .

Sidoo kale Musharax Cabdiraxmaan Ciro ayaa la filayaa marka uu soo dhameeyo safarkiisa gobalada Galbeedka in safar la mid ah ugu bixi doono gobalada Bariga Somaliland gaar ahaan gobalka Sool kaas oo uu taageerayaasha xisbiga Waddani dhanbaal mahad naq ah gaadhsiin doono.

ku soo biir Subulaha news network..facebook/subulahanews