Cadaab, cadho iyo ciil oo reer awdal u dheer. waa qormo aan ku eegayo, s.land sooyaalka waayihii ay soo martey, wakhtigan hada lagu jiro iyo waliba mustaqbalka soomaali land. xaasha dhaqan keena suubaan iyo diintu islaamku ma ogolo in laga hadlo wax yaalaha qaar sida dumar ama qoys, walaw xitaa ay jiri karaan shay isha soo jiita oo aan loo bogin. laakiin si wax loo saxo waa laga hadli karaa ayey ila tahay, siyaaadada iyo siyaasiga xilka uu doono ha hayo ama cimri kasta ha ahaadee . isagu waa nin xil qaadey eed qaad ama ciyaar tuntey ilaaq dalbey.

Hadaba tan yo maalintii somaali land lugaha isku taagtey oo laga joogo ku dhawaad 30 sano, wali ma soo marin malin ay ka liidato siyaasada dalku hada in ay solo gacanta la gashey ayaad moodaa ninkii dhu-dhumin lahaana ma dhalay ayaan u malaynayaa .(indeed it is a lowest points of national politics right now it is stuck or stalled). gaar ahaan intii kulmiye one(1) talada hayey. waxa la og yahay hadii midimada soomaliya laga baxayo iyo hadii kalaba in loo baahnaa marka hore la sameeyo sahan(case study or survey) sida ugu sahlan, dhaqso badan, ee ay suuto gal u noqon karto. sac ninkii lahaa dabada kaga taagan yahay ma kaco ayuu xaal u eg yahay imika..
ko-lay ma ahayn in duuduub lagu qaato ereyga Goosasho oo ku cusub dhegaha dadka, waliba kaligii lahayn macno gaara, hadii aan la raacin kaabe iyo kal kaaleye. hadaan laga taginse yeelan kara fasiraad badan oo is burinaya(controversial) oo tabban ama togon, (any way more explanation with positive or negative effect needed).kaas oo caqabad ku noqdey aqoonsigii, waayo wuxu til maa-mayaa in aan nahay falaago, fakad ama baxsad. taasi waxay jid u fureysaa in ay soomaaliya ina soo raadiso. noqon karta xaq iyo xuquuq aan isku leenahay haduu midkeen dudo. markii mudo lagu celeliyey wuxu yeeshey tafaasiil dheeraad ah, sida faquuq(discrimination) faduul iyo faan. dad gaara oo dan ka lihina ku dilaalaan caalamka ama kaba dhigtey ganacsi qoys(family business). sidey doonto ha ahaatee, waa mid hanaanka horu marka dhaqan dhaqaale, hayaanka geedi socodka nolosha iyo haybadii dalka iyo dalka halis ku ah. meeshana ka saari kara karaamada iyo kaalinta aan caalamka ku lahayn. sidoo kale waa mid doodiisii kala qabisey xigto, xaasas, xaafado iyo xabiib saaxiibo mar isuku dhawaa. kadib markii loogu tagri faley si xaqiiqda ka duwan.(Its a debate which has divided families and freinds mor than any issue of party politics or general election on one which is being conducted on a basis of wholly contradictory versions of reality). si ka wayn sidii la iskugu nacay syaasadii xisbiyada doorashadii guud ee u dambeysaa ee muranka dhalisey oo boob, booto (hanjbaad) basar, baad (bribery) iyo been la isku marsiiyey ilaa maanta runtaa afka laga dhawro..umadda intaasi leeg ee masuul ku dhaartey in uu dad iyo dalba daacad iyo dhex dhexaad u noqdo, musheekh iyo Muslim leh ee masjid iyo markaz islaami ah meel laga fadhiisto la helin salaad iyo xadiisba wax laga waayey qof qudha oo cuskada aayadihii ilaahay(scw), axaadiistii Rasuulka iyo sunihii (scw) oo yidhaa qulul xaqa walaw kaana muran, waa mid subxaanale in lagu sheego doorasho xor, xalaal iyo nabad gelyo midaas iyagoo dhiig qul-quley ee masakiinta muslinka ahaa ee reer hebel ahaan loo laayey la arkayo. . shame on you. nasiib daro looma tudhin ubadka maanta jooga iyo jiilka soo socda oo loo jeexo dariiqa xaaraanta loo maro, jaah wareer (confusion) iyo in la tusey marka la is mari waayo ugu dambeynta in xoogu shaqeeyo. (unfortunately you told them that in afrika the strongest survives ultimately) loogana tago utun iyo aano qabiil oo raadka xun ku reebi doonta in reer hebel reer hebel xoog u sheegtey. sida kuwii hore oo wali dhagaha waayeelka ka sii qaylinaya. ragayaga ragoodii ayaa laga roori riiraash, daarood ku xaar , gabaygii guba iyo qaar kale oo badan.. ayaan daro weeyi halkii max-kamed la hokeeni lahaa dadkiii dibin-daab-yadaa iyo dib u dhca keeney. in dib loo qaado raadkii dura. waxan u malaynayaa in ay wax ka jiraan hadal wadaad hore yidhi, nabada ayey caabudaan oo ay faral iyo sunaba ka hormarisey dadka reer wuqooyiga ahi. xataa hadii maslaxo reer la eego oo mar-marsiiyo loo samaynayo (excuse) xaqiiqda oo aan la iska indha tirin sidan si ka asturana ama dhaanta ayaa dadka kale ee la dagan wax loogu sheegi lahaa ee dadka oo dhan coon iyo caame ayaan loo arkin. hana la ogaado hadii la is leeyahay reero kale ha loo quus gooyo ama ha loo been guuro. iidooraw marimayso taasi u malayn maayo snm iyo qaran midana in ay dan u noqoneyso. marka ay ugu yar tahay is aamin la’aan iyo kalsooni daro ka dhalatey. balse ha la is waydiiyo cida dambe ee lagu sirayo doorasho caadi ah ama lagu galayo propaganda electronic dadka idinla degenna lagu majaro habaa binayo qof ka qayb galaya.. mar i dege alle ha dago. marlabaadse anaa is dagay waa murti guun ah.
Teeda kale marka la eego faragalinta badan ee ay ku hayaan dadlalka carbeed iyo shisheeyha kalaba oo ay kuwa maamulka hayana ku andacoodaan dhaqaale ayaa laga heli doonaa, iyada oo xogta iyo xaqiiq(official data) la hayo sheegayaan sidaas si ka soo hor jeeda. waana arrin kale oo lafteeduna meesha ka saari ama culays ku ah mustaqbalaka soomaali land dhaqaala ahaan siyaasad iyo geography baaxada dhulka iyo bandiirad ayaaba khatar ku jira sida ka muuqata magacdii ugu dambaysey ee casriga ah. jeegaan laand iyo sanaag land, kuwa horena waabe jireen ama qarsoon yihiin (clandestine) imikana waxa jirta in madax-weyne qayb simaali laand ka mida xukuma ka dhex ol-oleeyo xukuumada. systems-ka laftiisu maaha biyo kama dhibcaan. rag ku jira qaar in ay u adeegaan dalal shisheeye sida laga sheegayo dariska oo kale ayaa laga yaabaa afartan ilma adeerka ah ee maalinba meel is daba yaacaya ee kolbba hotels London, Istanbul iyo dubey isku soo sawira iyo kuwii xisbiga ahaa ee la rabay in ay isha ku haysan siyaasada dawlada oo laf toodu ju-juuba oo ay ku raacaam iyo jeebkooda oo ay baadhaan afartan nin iyo madax waynayaasha soomaaliya. shaqo ka dhigtey ayey dalka iyo dantii guud helis ugu jiraan. mar haday meesha ka baxdey in xalaal iftiin lagu cuno ama Isla xisaabtan(accountability or transparency). xisaab xil male. sinaan iyo wax wada lahaansho la’aanteed system ma noqon karo biyo kama dhibcaan or water proof.waxay dadka qaar leeyihiin in ay maqli jirney mashruuc xoolo naaxisa ee waxa soo kordhey mid dadka gaar lagu xanaaneeyo. hambalyo ama tribute to awdal band(kooxda nabad iyo nolol) oo heestan ku cabirey dulmiga intaas leeg ee meesha ka jira. war dhafoor ayuu ku yaala bal sawirada casriga ah iyo kuwii dulcad, xarshin iyo bali-gubadle isku eeg, debedeena dhugta dadka ay xukumaan guud ahaan dhulka soomali land degto haba la kala daraadee.dar xumada dulmiga, gaajo iyo haraad la il daran oo dagaankii ay ku noolaayeema ka daaduume.
bal waa tan heestii ee ku yara nasta.

qaytii labaad way soo socotaa.
second part coming soon. inshaaale.

allaw la jir somaali land
sorry for inconvenience

freelance journalist.
c. cabdilaahi caynaa
caynaan1990@ gmail.com

hargaysa somami land

ku soo biir Subulaha news network..facebook/subulahanews