Gooni isu taagga Somaliland ay ku doonayso in ay ictiraaf kaga hesho dunida iyo siyaasadda ay dunida ka iibinayso oo fashil ku dhaw. Oo aan maanta qalinka u qaatay, iskuna dayi doonno inaan si faah faahsan uga faalloonno.

Qodobka koowaad.

Somaliland waxa maamulkeeda ka muuqata isku dheelli tir la’aan qabiil amma beeleed, oo weliba maanta uu ka soo muuqdo nacayb iyo calool xumo soo cusboonaatay, waxana cad in qabiil keli ahi isu gadaamay maamulkii iyo dhaqaalihii dalka. Tusaalena waxa kuugu filan, saamiga ama tirada ay beelaha Somaliland ugu kala jira golayaasha xukuumadda iyo golaha dawladda u qaabilsan fulinta ee loo yaqaanno wasiirrada, oo WASIIRKII GUDAHA, WASIIRKII DIBADDA, WASIIRKII MAALIYADDA IYO WASIIRKII MACDANTA IYO BIYAHA IWM, aan beel mooyaane loo oggolayn in ay beelaha kale qabtaan. Sidoo kale heshiisyada caalamka lala galo iyo wafidyada loo diro waddammada caalamka waxa 99% u badan xubno ka soo jeeda beel gaar ah.

Bal hadda weliba ku darsoo eeg sida beel keli ahi isu siisay …..TALIYAYAASHA CIIDAMMADA, GUDDOOMIYAYAASHA XISBIYADA, HOR JOOGAYAASHA GOLAHA GUURTIDA, BADHASAABYADA, KOMISHINNADA XUKUUMADDA IYO HAY’ADAHA MADAXA BANNAAN……… WAXA ISKA LEH BEEL KELIYA.

Waxa intaa dheer in laga warqabo mas’uuliyiinta kale ee ka soo jeeda beelaha darifyada oo kale amma kuwa kale oo aan ahayn qabiilka keliya ee maamulka isku xeeray, in wasaaradaha amma maamulka kale ee ay Somaliland ka hayaan lagu dul maamulo, oo ay midiidin u yihiin reerka Somaliland iska yeeshay. Haddii ay ka hadlaan caddaalad darrida amma is yidhaahdaan maamulkaaga u madax bannaanowna markiiba la casilayo.

Arrintamahaasi iyo habka qabyaaladeed ee ay doorashadu ku dhacday, oo ah kuwa ugu horreeya ee caalamka u iftiimiyey in Somaliland aanay ka jirin wada lahaansho amma ay jiraan reero dalka Somaliland deggen oo ay arrimahaasi aad fogeysey, isla markaana aanan xilligan aamminsanaynba Somaliland, lagana yaabo in ay tallaabo cadho leh ka qaadaan, si ay iyaguna aayahooda uga taliyaan.

Qodobka labaad.

Somaliland waxa ay sheegataa in ay tahay waddan Demuqraaddi ah, oo ay doorasho ka dhacdo. Waxana illaa immiga ay sheegtaan in ay afar amma ka badan oo doorasho xor ahi ka dhacday Somaliland, doorashada ugu danbeyseyna ay ahayd tani la yidhi waxa lagu doortay Madaxweyne Muse Bixi. Laakiin beesha caalamka iyo dadka reer Somaliland ee run sheegga ahi ay markhaati ka yihiin in aanay doorashooyinkaasi xor iyo xalaal midna u gelin, balse la matalay.

SABABTA AAN SIDAA U LEENAHAY BAL AAN RAACINNO.

Aan soo qaadanno doorashadan u danbeysey, ee la yidhi DIIWAAN GELIN AYAA LA SAMEEYEY. Horta dadka diiwaan gelinta loo sameeyey address ma leeyihiin? ma buuxiyeen shuruudaha diiwaan gelinta? Diiwaan gelintu ma mid wakhti uun la galaa, miyaanay ahayn mid maalin walba socota, oo kuwa qaan gaadhay, kuwa dhintay iyo kuwa dalka ku soo kordhayba la diiwaan geliyo. Dalkase immiga la yidhi way is diiwaan geliyeen, ma deggen yihiin degmooyinka ay ka codaynayaan? Su’aalahaasi oo aan jawaab loo hayn, ayaa ku taabsiinaya in marka la leeyahay diiwaan gelin…..horta la helo dadka la diiwaan gelinaya ma yihiin dad buuxiya shuruudaha diiwaan gelinta. Markaa miyaanay tallaabadaasi ahayn mid daba dillaac la qaadayo oo been cad ah.

Arrintaasi marka aad guda gashid, waxa aan ognahay in aan la aqoon dadka is diiwaan geliyey, oo dadka qaar laga soo gurayey Ethopia amma ay dadka qaar uba dadnaayeen carruur aan qaan-gaadhin amma in badani aanay isba diiwaan gelin.

Ta kale ee la yaabka lihi waxa weeyi, in la yidhi doorashadani waa mid lagu galayo Biometrics ama waxa afka qalaad loogu yeedho Retinal scanning oo ah mid isha bu’deeda kamaradi ay qabato, qofka codaynayana sidaa lagu garto in uu qofkii yahay iyo in kale. Farsamadan oo aanay weli duwalka horumaray isticmaalin. Somalilandna ay ka ahayd uun borobogaandha iyo wax lagu qaldayey shacabka, balse aan doorashada lagu gelin. Caalamka Somaliland caawiya iyo beesha caalamka ee dawladaha Somaliland oo kale daneeyaana ay ka war hayaan. Ayaa ah qorshayaasha beenta ah ee kooxo qurba joog ah, ganacsato gudaha joogta iyo shirkado ajnabi ay lacago aad u badan ku qaateen. Doorashadiina lagu majara habaabiyey.

Beentaa aan geedna loogu soo gabban, ee ay dadka qaar contracts ku qaateen lacago aad badanna ka heleen, ayaa noqonaysa waxyaalka beesha caalamka iyo shacabka reer Somaliland ee xog ogaalka ahi aanay aqbalayn, amma aanay maskaxdooda gelayn

Qodobka saddexaad.

Waxa dalka Somaliland ka jira, shakhiyaad siyaasiyiin iyo calooshooda u shaqaystayaal ah oo shacabka ku beerlaxawsada Mujaahid, SNM. Ictiraafkii ayaan keenaynaa. Shirkado dekedaha innoo dhisa ayaa lala soo heshiinnay. Oo haddana ganacsi kale dhan kale laga wato. Reeraha dalka wada deggenna lagu kala fogaynayo. Qabyaaladda dalka ragaadisayna sii hurinaya. Sicir bararka iyo noloshiina kor u sii kicinaysa, oo dadka qaar sidaa ku lacagaystay, shacabka intiisa badanina aanay ka war hayn.

Caalamkuna waxa ay ka warqabaan in aanay Somaliland ahayn dawlad madax bannaan, isla markaana kontaynar ugu jirta, o kolba kooxo gaar ah oo ku kala macaasha magaca dawladnimo, laakiin immiga beentoodiina la bartay. Waxase Somaliland lagu ixtiraamaa nabadda ay dadkoodu ku wada nool yihiin, ee aan la midka ahayn Somalia.

Laakiin haddii la helo hoggaan danaynaya dadkeeda iyo dalkiisu in uu dunida qayb ka noqdo, oo hoggaan fiican u noqota dalka iyo dadka waxa dhici karta in la helo rajo sidan maanta jirta dhaanta. Taasina waxa ay ku iman kartaa caddaalad, wax wada lahaansha oo si mug leh loo saxo iyo xukuumad tayo iyo aqoon leh oo la helo.

Gaba gabadii.

Somaliland maanta ayey ugu daran tahay, waxana ay ku socotaa jidkii ay ku baabi’i lahayd amma ku kala googo’i lahayd. Waayo waxa saaxadda ka sii baxaya, wada tashigii, wax wada lahaanshihii aadka u liitay, dul qaadkii iyo qabyaaladdii oo xadhka goosatay, oo aanu reerna reer aamminayn. Xukuumadda maanta jirtaana maaha mid loo siman yahay ama loo soo xulay si caddaalad ah, amma oggol in ay dadka si sinnaan ah wax u wada qaybsadaan.

ku soo biir Subulaha news network..facebook/subulahanews