soomaalaay war-laay ma laguu waramey in riyaale cararey oo caruur la diley oo cirro yaaboo cabsadey. cod beena iyo cudud lagu ciidayo cidina loo joojineyn.

Inta aan u degin jawabta bal akhriste aan dib kuugu celiyo waayihii lasoo marey iyo xili tegey(al xiwaar wa zemaan) waa taariikh ama sheeko xigmad, xog, xan, xifaale siyaasadeed.xeelada iyo xarakaad beeluhu is dheeryihiin soo bandhigeysa. waana xaq iyo xaqiiq jirta ee  ma kala xanaaqaan. ujeedada kaliya ee aan ka leeyahana waa in dalkeenu hagaago.

Kadib markii qarankii soomaaliyeed bur-burey waxa ummadiii somaaliyeed ku habsatey masiibo baahsan ama afaafo qaran. taasi oo qola waliba geesteeda igadh ku maashey hashii maandeeq, iyadoo la smaysatey joogo-joogo (dummy) ama maqaar lagu godliyo. magacyo gaara loola baxay.

Hadaba gobolda wuqooyi la isku odhan jirey waxa si gaar gacanta ugu dhigay Beesha Isaaq oo taageero xoogle  ka heshey cadawgii ummada soomaaliyeed ee military-gii Dhergiga ee uu Mangiste  hogaaminayey. taasi oo u suurto galisey in ay u xoog sheegtaan Beelihii kale kuna soo rogeen amar ay ku marsiinayeen damac dookh iyo dantooda  baqa dirir  dartedeedna mararka qaarkood xabad isticmaalayey dhanka kale ay ka maqneyn xeelad ay ku xod-xodanayaan bulshada gobolada darifyad iyagoo leh oodi Ab ka dhaw. waxay ku qanciyeen in wada jirka, wada noolaashaha, wada degenaashaha iyo nabada la xoojiyo laguna dhawaaqo waxa manta loogu yeedho Somaali-laanta cusub oo qaarkood  aaminsan yihiin in ay tahay Booli qaran taasi oo uu hogaamineyee geesi ama siyaasigii riug cadaaga ahaa ahn A/raxmaan tuur oo nasiib daro fursad sidaasa la sii, waqti adagna ku soo beegmay war sidaasna kama hayo. xumo iyo same midana lagama sheego. mudo xileed kiisii.

waxana talada la wareegey ina Cigaal ahn. Yeelkeed markii la isku dhiibey waxa bilaabantey jug iyo jaafa jiriq ay iyagii iskula kaceen oo dhiiga ayaa qul-qulay mar kale labada daamood maryo allool iyo Calan cas oo ay u kala baxeen. taasi oo ay Beesh gadabuursi ka adkaysan waydey una gurmadeen. maadaama ay daacad ka ahayd Ilaahana ku garab galey mudo yar kadib ay mar kale ku soo dabaaleen nabad. deetana dib u hashiisiin ay ugu sameeeyeen Magaalada Borama  lagu yagleeyley Dawladii uu ahn ina cigaal hogaaminayey

inkastoo uu dajiyey nidaam dowlli ah, nasiib daro wuxu geeriyoodey Hargeysa oo subax walba xabadi ka dhacdo labada daamood. Heegada hargaysa iyo hawd hawsarka iyo hubka waweyn la isla hor fadhiyo. madaar laga soo dego ama laga dhoofana ma jirin ama adkayd lana iskuna halayn karin oo waxad ogtihiin badankiinu in cigaal ahn qudhiisu magaaladiisii Berbera loo diidey in uu ka dhoofo , waa marka runta laga hadlayo. waxana jirtey dambaal uu u direy qurbo joogta (diaspora) Isaaq intuusan wadku koonfur afrika uga yeedhin.

isagoo u hadlaya sidii geel jirihii usha damacu ka galay talana meel dhigtey. kaa soo sidaan u qornaa: “Milix ayaa la ii dhiibay oo aduunkii waan ka iibin kari waayey. milixna kaligeed qof liqi kara ma jiro ee marka meel lagu daro ayey dha-dhan sameysaa ee ka soo taliya wixii aan yeeli lahaa” ka raadiya archive  ka Hadhwanaagnews  oo ahayd wargeys af dheer xilgaas. Runtii anigu Ina Cigaal ahn, waxan u aaminsan ahay halyey qaranka soomaaliyeed ka baxay dhabar jabiyeena Hawiye iyo Daarood oo xin iyo xaasdnimo ka dhaxaysa iyaga uu qaranka soomaaliyeed ka hana qaadi waayey. markay awooda(power) Isaaq oo sooomaali inteeda kalane kalsooni  ku qabtey xiligaas arkaana is xulafaysta. inkastoo uu niyad jabey(frustrated and fed up with the so many failled soomaali wayn conferences) gaar ahaan wixii ka dambeeyey shirkii Djibouti oo ay dawladii ciise mija xaabisey isaga shakhsiyan. ama aysan jecleysan in uu ku hadlo wax layidhaa soomaali land.

-xiligii colonel Dahir riyaale.

xaqiiq kuma kicin aar goosi siyaasadeed ee wuxu ku bilaabey qunyar socod, sabbir iyo sasabe Isaaq uu ku beer laxawasanayo, dulqaad iyo dhegeysi dheeraad ah oo uu muujiyey.  iIlaahay oo u fududeeyey awgreed  wuxu ku guulaystey mudo gaaban  in uu hubka ka dhigo dadkii bahaloobey ee loo maara la’aa. . hayb kala baadey iyo degaano kal qo-qobnaa  isku soo hiloobe. Soomali land oo dhan isku qaadatey in ay qoys qudha yihiin marka laga reebo meelo ka mida gobolada bariga mooyee oo door moodey in ay ka dhex dilaalaan somaali land iyo puntilaand. xidhiidhka dalalka jaarka la ah iyo kan caalamka kor ayuu u soo qaadey. xataa waxa caadi(normalised) noqdey kii ka dhexeeye soomaliyadii laga goostey ee dhabarka loo jeediyey ama la caasiyey. ka dib markii uu soo af jarey alalag, af xumo, hanjabaad iyo aar goosi lagu hadaaqi jirey. markiiba wuxu hir galiyey nidaamkii dawliga ahaa iyo dimoqraadiyadii uu doonayey ee uu dejiyey ahn marxuunkii ka horeeyey . wuxu garawsadey in uu ka guulaystey ama quluubtooda kasbaday intii yareyd ee u arkeysay asgari faqash ah oo shaadh ka wayn loo galiyey. wuxu u gudbey wajigii labaad oo ahaa in uu doorasho qabto xor iyo xalaal ah badankood si nabad gelyo ayey u dheceen guud ahaan marka la reebo wa xooga buuqa iyo xag-xasho ah (skirmish but largely peaceful) oo ay keentey waayo aragnimo la’aan mooyee. taasi oo sabab u noqotey dooradhadii ugu horeysey in uu ka guuleyto Mujaahid Axmed silaanyo. hogaamiyihi snm oo uu ka soo noqdey qurbaha ahaana  dibad wareeg iskii u cararey(qaxooti qurba joog ah)(self exile) kadib xil ka qaadis, xukun ka mamnuucid iyo darajo ka xayuubin ku sameeyey Ina cigaal ahn(waa markii uu mamnuucay mujaahid iyo dhagarta Caadada laga dhigtey in lagu faano una bixiyey majaaniin). hase yeeshee sida la isku raacay waxa looga guulaytey qalad siyaasadeed oo uu galay silaanyo isagoo wax yar doorasha ka hor warareysi uu siiyee voa ku sheegay inuusan snm ku dagaal galin goosasho kana shaqayn doono midnimada soomaaliyeed. taasi oo signals ama calaamado kale duwan iyo tashwiish bulshada ku dhex abuurey.

-Tartankii doorasho  dambe ee dhexmarey. Col. Riyaale vs mujaahid Silaanyo.

kadib markii mujaahid silaanyo dib u habayn ku soo sameeyey xisbiga kulmiye, isla markaana si gaara ula soo shirey  beeshiisa hoose(gar-adag accord) (meeshaas oo noqotey meel mucjisa ah oo can ah). isgoo ka faa’ideysanaya markan qaladaad siyaasadeen oo uu galay markiisii isna siyaasad baradka ina Riyaale. kadib markii uu labada  gole qaran u gacan galiyey beesha silaanyo iyo qaar diciifa oo macaarid sheeganaya. Mujaahidka oo garawsadey in ay guushii u muuqato ayaa markiiba siyaasad cusub iyo dar-dar la soo baxay, dadka siyaasad dalka iyo aduunka la socda qaarkood waxayba ku suntaan in uu yahay mufakir(philosophe)ninka alifey siyaasada cusub ee aduunka dhex mushaaxday populist  Somali land first(waa u tusida dadka in madaxa sare (against elite or ant establishment)  dulmeen isaguna xalkii hayo uu xaqoodu ku soo dhicin lahaa) oo ay istcmaaleen Trump, macroon iyo qaar kale oo badan. taasi oo ku dhisan cunsiriyad, qabyaalad, cay, ceebeyn iyo canbaareynta qofka iyo qalalaase siyaasadeed oo la abuur si eedo la taaban karo loo helo.  hadaba mujaahidku markaasuu bilaabey Isaaqiism. cambaareyn wax kata oo la soo qabtey ama lagu dhaqaaqo, qalalaaso bulsho iyo mid siyaasadeed  uu ka abuuro darifyada dalka, dagaal beeleedyo iyo siyaasadii dibada oo uu soo awday, Ina rayaale iyo xaaskiisa oo ay caayaan xulafadiisu., faqashana ku sheego isaga iyo waxa la shaqeeyba. isla markaana yidhi dalka iyo dadkan nin aan ehel u ahayn oo u dhididin,  dhiman, oo dhaawacmin, una dhibtoon oo uulo (lower class) ah(tacliin,qof ama qolo liita) oo aan tacliin lahayn u talin maayo. kana dhaqan maayo oo Paris iyo dubey  wax ka dhisamaayo. dhaqaalihii dekedana guriisa ayuu dhigtey. midhahaas ay  aad u soo jiitey, dhamiirka iyo quluubta isaaqism. kalmada haas iyo kuwo kale oo ku dhibcay dhiigana dhaqaajiyey. is mase dhibin mana shideysan jin col rayaale. inta badan aamuus iyo dulqaad ayuu miciinsan jirey markanse godka ayey biyo ugu soo galeen. wuxuse ahaa nin aabihii ummada la soo shaqeeyey oo shahaada sharaftii kowaad hoosta ku qarsanayey. makiiba sawir(copy & paste) uu cinwaaka ka bedeley ayuu ku sheegay in uu mujaahidka decorations ama biladiihii badnaa ee uu sitey oo ay ka mid ahayd shahaada sharaftii labaad ee aabe siyaad ahn ugu daray tii af-lagaadada. Mujaahidku oo fatooshtii snm ee uu hogaaminayeyna ku sheegay Mujaahidiinal khalaq waa ereygii uu ceebta ka dhiga  Ina igaal alle ha u naxariistee, oo uu dib u soo faqay. Dabadeed odeygu waa xo’ogaala siyaasi ah intuu noolaan ku soo macaashey kala qaad-qaadka iyo qaybinta reeraha wada dega, markiiba waxa uu ogaadey in ay siyaasada soomaali land waligeedba u kala baxaysey galbeed iyo barri kuna soo baxayn haduu daacad iyo dimoqraadiyada wax ku wado, markaasuu si u kale jabiyo reer galbeedka culays iyo cadaadis ayuu saarey kuwii xilalka sare ka hayey siyaasad iyo ciidanka xukuumadii Riyaale  oo u badnaa reer Hargeysa iyo Gabiley  uga dambeyn lethal injection(irbad suna ayuu la gaadhey) isagoo adeegsan rag beeshiis ah ayuu hoos ugu degey utuntii siyaasadeed iyo cuqdadihii qaaxo ka jirey iyagoo taabtey halgankii snm sidey u hagradeen oo ay ugu bixiyeen snm ta dhidig oo ay aad uga gubtaan idoorka galbeed maalinta ay maqalaan dili jirey laba gadabuursi ah oo safara si ay ceebta isaga meydhaan. . markaasuu soo fara galiyey isagoo iska dhigaya in uu dejinayo xaalada  kuna beer laxawsanaya isla markaasina xasuusiyey in ay xulafo waligigood ahaayeen, jug iyo jab ka soo wada gaadhey dagaalkii jeegaanta inaysan dacaayad ka suurto gal ahayn isaga iyo beeshiisaba.. fartana ugu fiiqay in ina riyaale u janjeedho xaga cadawgoodii  ay wada lahaayeen maanta xukunkii iyo xoolihii kala hoos baxeen. isagoo si gaar farta ugu fiiqaya wasiirada maaliyada, hawlaha guud xisbiga udub iyo meelo kale oo muhiim ah in ay dooralayaashii(gar-xajis) isku urursanayaan. yihiin kuwa xaqa u leh jagooyinkaa loogana baahan yahay in ay is hortaagaan.  doqoni amaan ay lahayn ay gadhka u ruxdaa, nasiib daro way rumaysteen reer galbeed kale fur-fur ama  kala irdhee.  hadeed waxa bilaabantey in uu shukaanta(stering) la qabsado ina Riyaale.  adeegsadana ciidamada kale duwan oo dhamaan jeegaantu haysatey markiiba si xiisado kor loogu qaado dad safara oo biri magayda aha ayey cidmadii qaranka lagu sheegeyey dariiqa u galeen , qado iyo qureec mid ay ka dhigteen ilaa imika lama goo. iyaga, saameel iyo kuwii ka dambeeyey laba cali isma waydiin. col. rayaal sidii caada soomaali ahayd ayuu xeeriyey ama raacay oo beeshiisa ayuu culays saarey maadaama uu xilkii uga sareyey hayey, bashiisuna Bunduq iyo Bigil ma qaadan barke beele meesha miyuu iskaga yimaado haduun awood lahayn oo kaliya ayey yidhaahdeen, dhanka ay doonto soomaali land  ha u ciirtee ama ha u dhacdee, mar haduu bedeli kari waayey Teliye yaashii ciidamada iyo wasiiradii lagu eedeeyey fal dambiyeedkaas, xalina kari waayey xasarada joogtada ah ee taagan. isla markaa haldoorkii gar-xajis ee ka ag dhawaa cadaadis la saarey iyo  iidooriism oo ay rumeysteen ama u beer nuglaadeen awgeed maalinba mid isku dhiibey siilaanyo khaasatan ragii doctors ahaa ee rajada ku lahaa xisbigga udub(hopeful future udub party candidates),. ogaadeyna in uu mujaahidku doorkan gar iyo gardaro uu guulaysanayo maadaama uu soo gacan galiye labadii beelood(h.awal iyo h.yonis) ee ay had iyo jeer awooda sare ee iidoor ku loolamaan(traditional rivalry ) ilaa gumaysigii. somaaliya iyo soomaali land midkey dooni ha noqotee. wuxuu hoos u yidhi haa kax oo salka u fadhiistey, intuu geesaha eegey ayuu guuxay ayuu hadana yidhi iidoorka inta kale maalinta qala-laase qarankan qudha loo bixinayo iyo qaadhaan mooyaane awalba talada dalka qorshe iyo qawl kuma lahaan imikana rajo kama qabaan wax iga galaan jirin heeryada ii saarnaato .(marganalised or just used as row materials for the isaaqism cause which is for the benifiet of their three  big brothers who appears now after while competing for the biggest share of everything and finally after a long struggle it looks one of them have been ousted  or discredited at least for now). imikana qaadka iyo qaxwaha waan u raadin. ama iyagaaba xilal doono oo aan iskugu xawil!. markaasu hoos u eegay  shandad oo uu ku sitey kafan iyo Taash labadaba. uu saa yidhi wali la idinma kale dooran ee i suga. . xaalad oo ku xun raadinaya ina riyaale meel uu ka baxo  ayuu ku dhiiradry in la qabto doorasho, inkata oo ay  muran gasheen natiijadii kuwii ku xeernaa si deg-deg ah ayuu guuldaro u xafay ilayn lafahiisa ayuu u baqayey. balantii xil wareejitana Isla habeenkii ayuu u sheegay in u siin iyo meherka isku darayo.. xilwareejintiina dar dardaaran culus oo xusuus  reebtey oo niyad jab ku ridey mujaadhidka oo uu yidhi dad iyo dal meel wada jooga iga gudoon hana laguu yimaado doorashada dambe. mujaahidku hadalkaas iyo waxii uu soo qorey ayaa malaha isku qaban waayey  naxdin(shock) ayaa ku dhacay. waa habeenka loo malaymaayo in ay  la kawsatey qalbi cammadu(early sign of dementia) kadib markii uu si lama filaan u yidhi dib ayaan u dhigtey qudbadii caawa xafladiina  lagu kale dareerey. waxoogaa baaruud iyo Teresa oo la ridey mooye dadkii damaashaadi lahaa fiidkiiba waa la hoydey. dabdeed Mr riyaale xagaa iyo Paris ayuu ku libdhey taasi oo u ekaan karta ama loo malaynayo in uu mujaahidku xabsi guri u direy. mar hadaan la arkin siyaasi, suldaan, saxafi, saaxiib ama sokeeye soo booqanaya isagiina wax xidhiidha oo uu meel la leeyahay muuqan ama ka  hadleyn tv ama social media. dhawr mar oo uu somaali land ku soo noqdeyna he was not received as statesmen, in fact markii u horeysey cidhiidh ayuu muteytey. imikana inkastoo xil wareejin iyo wax la sheegayo. hadana waxa la rumaysaney yahay in siyaasada kacsa iyo dana gaara oo laga leeyahay  loo qaabiley. has yeeshee, diplomat la soo shaqeeye oo wax laga waydiiyey wuxu sheegey in uu ahaa ( he was admired his courage his wisdom and his integrity…and he was grateful for the great affection in which he preserved  the wrigth and integrity of soomaali land republic and held together or intact it’s people and territory.  about the recognitio itself he did his best or (ball positioned but he was  luck of good scorers) and at end thwarted by wrong and controversial snm tribal slogn campaign messages which used by opposition to discredit him. and to be honesty it was so naive and shellfish idea of opposition “said the diplomat”.  nin la jecel yahay oo muujiyey dhiiranaan, geesinimo, xigmad, kart iyo garaad fiican. had iyo jeerna lagu han waynaan doono sida hanaanka wacan ee daacadnimad iyo hufnaanta lahayd ee uu u hirgaliey dimoqraadiyada isla markaana u soo maamuley jamuuriyada  soomaali land .oo uu isku hayayey dad iyo dhulka.. ilaaliyeyna xaq , xuquuq iyo karaamo dadka intaba. aqoonsiga laftiisana uu soo dhaweeyey caadifadii snm ee ol-oliha ayaa qalin daartey goal dhaliyaale fiicana ma laha kooxda i siisey guusha ama is mahadisey cid kalane way u aamini waayeen ama uma qudhayaan libinta, magac iyo maamuus uu ku kasbado sida la isku raacay.

markii loo kuur galey gobolka awdal ee uu ka soo jeedo. koley ceeb ka seliin mar naba ma noqon karo vqof xukuma soo markey ama xil qabtey  mana mooga  in ay jiri karaan kuwa ku calaacala in uu dayacay ama wareejiyay dhul, dhaqaale iyo dhaqan. waxase la ogaadey in ay guud ahaan badankoodu ku faraxsan yihiin ama jecel yihiin mar hadii si asturan uga degey xilka isgoo nabada iyo iyagoo isku duuban Isla markaa shaki kala dhex dhigin bulshada sedexda dhan-dhaar. nasiib wanaagn uma soo xawlin siyaasadii bariga soomaali land ka jirta. guud ahaan ummada soomaali land gees ilaa gees. gudo iyo dibad dul iyo dacal mahad guud iyo maamuus ayaa loo hayaa isaga iyo tolkiiba. waxa ugu yar ee lagu xasuusan karo wwaxa weeyi ugu yaraan ma jirin xiligiisii sida qaawan ee loo hadlayo manaanta  iyo qayrrii-massulnida muuqata. taasoo la arko mar kasta oo la dhugto tv ama la dhax mushaaxo social media.

ha waarto soomaali land.

iga suga qaybta labaad iyo xukuumada ujaahidka oo xiiso iyo xamaasad  leh. sidii  uu mujaadhidka iyo reerkiisa dhawmey. iyo halka uu dhigey qadiyada s.land.

sorry for inconveniences

raali ka ahaada wixii gafa.

cali cabdilaahi caynaan.

hargeysa . soomaali  land

ku soo biir Subulaha news network..facebook/subulahanews