-La dagaali maayaan kuwa dulmiga iyo duudsiga ku haya xaqooda ee waliba yasa oo hantidoodada iyo halka ay degenyihiin maamusha oo dagaalka ayey neceb yihiin, hadana dariiqiisii ayey isku cidhiidhinayaan oo iyagii ayaa isku goodinaya sidii ay isku muquunin lahaayeen.

–Nabad iyo horumarka dadka kale ayey jecelyihiin. qofna wlaalkii, in adeerkii iyo tolkiis dan kama laha colaada iyo cayda ka dhex qaraxdey cawaaqib xumadeeda ma arkaana.. oo indha malaha wax lagu arko, dhego mahala wax lagu maqlo waxa ka sayid caleeyey intooda badan Hunguri, habrasho, habednimo ay ugu adeegayaan cdawgooda.

–Tacliin ayaa lagu sheegaa hadna sidii jaahil iyo geel jire ayey sare jooga ku murmaan. suladaan, siyaasi, saxafi iyo sarkaala ma arko mid qudho oo (preception, idea or opinion) garaad, garasho waafiya ama talo iyo tilmaan bixin kara ama leh. hadii run la sheegayo, intay meel fadhiistaan kan xumaanta wada, ee xisaabta dheeraadka qaatey ama hunguri xumadu hayso miyey la xisaabtamaan. inta aysan cid kale soo fara galin.

calaa ay xaal wax ay isku hayaan lama garanayo, halkii ay markii hore ku ol-olayn lahaayeen masiirka umadooda iyo waxa ay maslaxadu ugu jirto iyagaa isku mashquulsanaa. , imika oo run iyo been ama dhab iyo dhalanteed, midkay doonto doorashadii ha u dhacdee oo waliba ogyihiin in xoog iyo xeelad lagu kale baxay iyagana waliba loo been guurey ilayna raqba waa rageede kuwii is siiyey soomaali land iyagu maslaxadooda ay ka raaceen. waxan la yoon-yoontamayaan ama isku hayaan kuwaan Gadabuursi lam fahmin wali.

waxa la mid iyhiin talo xumo iyo tabar dado sida, Libaaxu markuu raqda dul fadhiyo. xayawaanka inta kale way quudaan, markaasaa kaaga darane markuu meel jilisan oo maacaan cantuugaba iyagaa isku gaydhada oo midb midka uu ka itaal roon yahay ayuu indhaha u caseeya oo tuur iskugu yeelaa geed isku xamaaraa..

Wxan idin odhan lahaa suugaan ayaa tidhaa: reg uu ka dheexyo geel haduu kale geeyo damac waxa isku gaysa dane allaw garansii dantiina. waxaad isku hayseenba, haduu rag kale qaatey oo idiin xoog sheegtey, cidina dhig dhulka odhan karayn ha is guhaadin ee u wada jeesto geesta ay godobtiinu taalo.

Haaatan iyo dan waxa loo baahnaa in ay si wada jira ula gor-gortamaa beesha cusub ee la wareegaysa talada soomaali land.
–in laga qaado waa halkii cawaale caaynane ahn kiishaka afkiisu yaalo saylac dabadiisunna gar-adag, mise waxa ku farax san yihihii ugu yaraan in hargeysa ama gabiley la soo dhigo.
–in laga dulqaado ciidamada faraha badan ee cabudhinta ku haya gobolka. kuwaas waliba iska xidhay goobo si shrci daro ah.
–in la sameeyo maamul daadejin sida cali khaliifa ku doodayo may soo xadli kari waayeen si ay isku maamulaan, iyagoo og in maanta ay yihiin qabiilka kaliya ee reer kale si buuxda ugu taliyo. kaw iyo laba maaha waxan aan go-conayno ee qof kaste oo bulshadan ka dhashey waa xog’ogaala ha ku darsado sheyga u daran please. waayo, adigoo iga raali ah akhriste waxa kale horay loo yidhi “Galool mudhay oo fircamay hadana gooyaha u fidey haduu laamaaha midba gees u baxo gunta ayey iskaga mid yihiin” waayo waa hawl inoo wada taa la. hadii kale waxay noqon qayrkii loo xiiryaw adiguna soo qoyso. bal ila fiiri waxay danta guu kaga mashquuleen:-

Makaahiil magac iyo manfac aysan waligood wadaagin oo ay in yari doonayso in ay meelahaa ku malafsato ayey ku muraara dilacaan, dadkana ku beer laxaw-sadaan waan badan nahay, hadii ay run sheegayaan oo ay awood (power) leeyihiin mucaarid ayey ahaayeen in la dhacay maxay beesha dhaxe iyo caalamka ugu sheegi waayeen ama siyaasada xun ee dhinaca ka raran wadanka ka jirta iyo cadaalad darada lagu hayo uga hadli laayihiin ama veto yidhaahdaan go’aankii gacan ku rimiska ahaa haday awood leeyihiin.. ama ku gor-gortamaan sida habar yoonis in mag dhaw la siiyo ol-olihii beenta ahaa ee lagu dhacay hantidoodii ama ugu yaraan waji mucaarid ku taageeraan shirka Ceerigaabo lagaga dhawaaqay ama suldaanada dhiiran ee dhigooda ah ee runta sheegay codkooda ku biiriyaan maxay maasaakiinta xiiqdey, go’doonsan ee gadoodsan sidii kalaba u dhega barjoobey ee la tolka ah ugu dul musanaabayaan!!!! odeyga makahiil ee la soo lugooyey dib ha u kanfaan oo bal imika qabuura meel hagasan ku dhigaan.

Kawan isbahaysiga Habar cafaan iyaguna waxay raadiyaan maamuus, magic iyo milgo aan awalba ka maqnayn. maalin kasta waxay tv la soo taagan yihii beesha ugu tunka wayn iyagoo dulman, madluunsan oo aad moodo in ay dabayshan siyaasadee ku asqoobeen. xagay joogi jireen waayadii hore. mise waa asxaabul kahfi. haday awoodo iyo tunka ay sheegayaan ka dhab tahay maxay kolba makahiil iyo maxaad case oo ku hardamaya madax wayne ku xigeen aan awood, aragti, arrin iyo aganda u gaar oo uu wax ku qaban karo lahayn, isagiiba shaxaad iyo sharaf daro kunool oo waxba gacanta ugu jirin kolba midka ay dan moodaan iskugu ladhayaan ama ugu kala eexanayaan maxay intey meel soo wada fadhiisiyaan ugu odhan waayeen iska ilooba cad quudheedka. cad hadaad cuni meel Macbaa laga qaniinaa kaaley oo colka jooja tokayaw oo ay dood iyo dib u heshiisiina u bilaabi wayday ama cida ay wax ku maqan yihiin waa iidoore sidii loola xisaatami lahaa talaabad ugu haboon horseed ka noqto.

Maxaad-case, marka xaqiiqda laga hadlo waa kawa xilku saran yahay maadaama xilkii ugu sareeyey ee gobolka hayaan, culaysaka iyo cadaadiska beelaha darifyada inaga xigana u nugul, ama haystaan si dadban iyo toosba inkatoo ay tahay nabar ogedeen ku wada yaal, bal fiiri goobaha la xidhey, dekedii aan ku han wayney oo la mijo xaabiyey hantidii qurba joogaa laga ururiyeyna la lunsadey. labada gees ayaa goblka lagaga soo siqayaa, cuna qabatayn ayaa ina saran, saylac ayaa la inagu haystaa, madaxeena lagu cashuuraa waliba iyadoo xeelad looga dan leeyahay in doorashada xigta xukun iska daaye iyada iyo lughaya hadaan xildhibaan ka helno waan nasiib badan nahay hadana dhaqanka xun imika wax laga badalin. taasuu hadana maxaad case dhamaatiis. dhamaashaad iyo mashxarad ayuu la soo tagan yahay, ismoog udbihii ayey aslayasaa, sida la cadeeyey Mujaahid muuse waa nin dhiiran ku dhaqaaqaya wixii kuwii ka horeeyey ku dhici waayeen. talaabad u horeysa oo uu qaado sidii Madax-wayne Trump ayuu Gobolka gabiley iyo goobaha u xidhan amar madax-wayne (executive order) ku hir galinayaa. isla markaa wuxu dalbayaa in deg-deg wadanka looga musaafiriyo muhaajiriintii aad shagaysey (makaahiil ). durba waa kaa soo ridey xabadii yoolbaadhka ahayd(warnning shot)markuu xilal aan qiimo lahayn idinku mashquuliiyey si aan hadhaw la isku gurman. sida aan malaynayo waa markii ugu horeyse oo aad talada gadabuursi qabateen ee ha noqon shinbirtii mar qudha dabka qaadey ee buulkeeda gubtey. kubadu garookiina ayay taal, tanaasul iyo talo mid ayaa m.case laga doonayaa. sorry hadaan qaldan ahay. markaa sida ay ila tahay doon qudha ayuu gadabuusi wada saran yahay ninkii dalooshaw xaalku waa karis xun iyadna wax kula.

Tii alley noqon tu kalaba waa been.

sorry for inconveniences
raali ahaada wixii gafa.

guul iyo gobonimo.
by. Cabdilaahi caynaan faarax.
hargeysa somaliland

ku soo biir Subulaha news network..facebook/subulahanews