Dhawaan ama maalmaha soo socda ayaa la filayaa in markii u horreysay 27 sano oo soomaaliland ka madax bannaanayd Soomaaliya dadweynaha ku nool  degaanka Hargeysa  ama caasimadda Soomaaliland xukunka dalka kala wareegi doonaan Madaxweyne kasoo keeda G/Togdheer ama  caasimaddiisa Burco kaddib markii doorashooyinkii dhacay bishii  hore 13dii ay badi dadweynaha degaankaasi caasimaddu codkoodii siiyeen musharraxii  ay doonayeen inuu qabto hogaaminta oo ah Muuse Biixi Cabdi,waxana halkaa ku dhammaanaya 27 sanadood oo reer Hargeysa sacabada u tumayeen madaxweynayaal kasoo jeeda gobolada dalka sida Berbera Boorama iyagoo haatan gobolada dalka dadweynaha ku nool ka doonaya in iyaga sacabka loo tumo shanta sanadood ee soo socota .

Reer Hargeysa oo ku taamayey inay mar uun xukunka dalka u qabto siyaasi kasoo jeeda degaankoodu ayaa nasiibku ugu dhacay  mid ka mid ah saraakiil ka tirsanaan ama hogaamin jiray jabhaddii SNM oo iyaga laftooda madaxweynayaashii shicibka ahaa ee dalka soo maray anay xukunka dalka si weyn uga qaybgelin ,lana xusuusnaa sidii madaxweynaha la doortay Muuse Biixi iyo madaxweynekuxigeenkii labaad  ,Mud. Caabdiraxmaan aw Cali faarax  looga takhalusay   1997kii,badi dadweynaha dalkana  lagu abuuray  shaki ay qabaan in hogaaminta dalka ee askarta  ama saraakiishii SNM  laga dhaxlayo  col iyo abaar,sidaa darteeedna loo qaadan karo in doorashada Muuse Biixi loo doortay xukunka dalku  meesha ka saartay  tuhunkaasi,lana eegi doono sida ay dalka u xukumaan sannadaha soo socda.

Haddaba doorashada markii u horreysay madaxweyne kasoo jeeda degaanka G/Hargeysa Muuse Biixi loo doortay xukunka dalka ,isla markaana soo gebegebaynaysa xukunkii reer Burco ee toddobada sano ay dalka ku xukumayeen ,ayaa cid kastaa isweydiin karaa su’aalo badan  oo ku saabsan waxyaalaha ay ku kala duwanaan karaan maamuladii dalka soo maray iyo kan haatan la doortay,su’aalahaasoo  jawaabahoodu ku qotomaan ballanqaadyadii wakhtigii ololaha  saddexdii bilood ee u dambaysay,arrimahaasoo ay ka mid ahaayeen dhismaha iyo horumarimta dalka,siyaasadda debedda iyo aqoonsi raadinta,dib usoo nooleynta dhaqaalaha dalka iyo shilinka somaaliland ee sii baaba’aya iyo hoos u dhigista sicir bararka ,amniga ,midnimada shacbiga ,tayeynta hay’ada dawladda ee qaarkood magaca uun yihiin ,ilaalinta hantida qaranka  iyo arrimo kaleba .

Marka la eego waxyaalaha ay qabatay dawladda xukunka wareejinaysa  ee M/weyne Siilaanyo   oo ay isku xisbi ahaayeen xukuumadda maanta lana barbardhigo eedihii ugu cuslaa ee loosoo jeedinayey wakhtigii ololaha  ayaa marka la isbarbardhigo loo qaadan karaa in waxay qabatay dawladda Siilaanyo ay ka badantahay dhaliilaha loosoo jeedinayo ama waxa seegay,arrimaha culus ee madaxweynaha cusubi ka dhaxlayaa hogaaminta reer Burco ee Soomaaliland ay tahay oo keliya sicir bararka  iyo hoos u ndhaca shilinak Soomaaliland, fadhiidnimada hay’adaha dawladda qaarkood   iyo guddiyada magaca uun ah sida  hantidhawrka Guud ,hay’adda tayada,hay’adda maamul wanaagga ,iyo kuwa kale .

Hadii an dib ugu noqonno isbarbardhigga la saadaalin karo ama shaqada laga filayo  dawladda reer Hargeysa   iyo dawladihii ka horreeyey  ee say hogaaminayeen reer5 Boorama iyo reer Burco ayaa  cid kastaa ogeyd  sidii labadaa maamul ee ka horreeyey halkaa usoo gaadhsiiyeen Soomaaliland Rayaale oo lagu bartaya qabshada doorashooyin  xor  ah ;laguna daro tan Axmed Siilaanyo oo dhismaha dalka iyo jidadka lagu bartay  ayaa  madaxweynaha reer Hargeysa looga fadhiyaa inuu qabto wax labadaasiba ka badan maadaama  u maanta haysto dadweynihii caasimadda ee ka badnaa kuwa gobolada kale,saamiqaybsigii ugu badnaa  ee xilalka dalka, dhaqaalihii ugu xoogga badnaa  ,iyo xisbigiikulmiye ee  ugu awoodda badnaa xisbiyada dalka t dhawr iyo tobankii sano ee u dambeeyey.

ku soo biir Subulaha news network..facebook/subulahanews