Hargeysa (SBN):- Qusulka Dalka Ethiopia Brigadier General Berhu Tafsayu ayaa ka hadlay doorashooyinki ka qabsoomay Somaliland 13 bishii aynu ka soo gudubnay ee November, taas oo uu ku guulaystay in uu Somaliland Hogaamiyo shanta sano ee soo socota Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waxa uu ku amaanay Somaliland sida ay u qabsatay doorashooyinkaasi, waxaanu xusay in ay ka rajaynayaan in xukuumadda cusub ay xidhiidh wanaagsan la yeelan doonto dalka Ethiopia waxaanu yidhi “Xafiiska Qusliyadda oo loo igmaday in dawladda Somaliland iyo shacabkeeda si wada jir ah uga wada shaqeeyaan dhinacyadda nabad galyadda, ganacsiga, iyo xidhiidhka labada shacab oo sii wanaagsanaanaya.

Doorashadii madaxtooyadda ee ka qabsoontay Somaliland una dhacday si nabad galyo iyo dimuqraadi ah taas oo aan u muujinayno in ay qadarin mudan tahay, xukuumadda cusubna waxa aanu ka rajaynayna in ay xidhiidh wanaagsan la yeelan doono, taas oo aan doonayo in aan halkan ka sheego” ayuu yidhi Brigadier General Berhu Tafsayu oo ka hadlayay xaflad lagu xusayay maalinta qoomiyadaha Ethiopia oo lagu qabtay magaaladda Hargeysa.

 

 

ku soo biir Subulaha news network..facebook/subulahanews