Washington(SBN)Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa weerar afka ah ku qaaday Ra’isul Wasaaraha dalka Britain Theresa May, oo Trump ku dhaleeceesay Muuqaal uu sii baahiyay.

Ra’isul Wasaaraha dalka Britain Theresa May ayaa ku cambaareesay Madaxweynaha Mareykanka in uu sii faafiyay Muuqaal Islaam Naceyb ah ay baahiyeen qolyaha garabka Midig ee dalka Britain.

Qoraal uu Donald Trump soo dhigay Bogiisa Twitterka ayuu ku weeraray Haweeneyda Ra’isul Wasaaraha ka ah dalka Britan, waxa uuna qoraallkiisa ugu sheegay May in ay shaqadeena ku mashquusho arimihiisana faraha kala baxdo.

” Theresa May Ha igu mashquulin ee diiradda saar kooxaha argagixisada ah ee xagjirka ah ee kharbudaadda ka wada Boqortooyada Ingiriiska,” ayuu Trump ku yiri qoraalka uu soo dhigay Twitterka.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa Twitterkiisa dadka ku taxan oo gaaraya 44-Milyan oo qof ugu sii gudbiyey seddex fiidiyow Islaam Naceyb ah ay soo bandhigeen koox British ah oo midigta fog u janjeerta.

ku soo biir Subulaha news network..facebook/subulahanews