Borama(SBN)Waraaq xil ka qaadis oo u soo abaabulay M/kuxigeenka Somaliland Saylici waraaqdaasi oo lagu bartilmaameedsaday masuuliyiin dhawra oo ka soo jeeda beelihii ka codeeyey saylic ee taageeray xisbiga WADDANI ayaa gabi ahaanba la joojiyey , masuuliyiintii ayaa lagu wargaliyey in aanay waraaqdaasi waxba ka jirin lana laalay isla markaan shaqooyinkooda ay shacabka u hayaan sii wataan.
Xaalada magaalada Borama ayaa cakirantay kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in M/kuxigeenka somaliland bilaabay argoosigiisii ugu horeeyey kuwaasi oo u ku bartilmaameed saday masuuliyiin sadexa oo isku beel ka soo wada jeeda(MAKAAHIIL). odayaasha iyo waxgaradka beelaha makaahiil ayaa aad uga qayliyey iyagoo horay farta ugu fiiqay , fadqalalada iyo qoqobka saylici ku hayo gobolka Awdal.

Odayada iyo salaadiinta beesha makaahiil oo ilaa xalay hawshaasi ka shaqaynaayey ayaa loo sheegay in la laalay gabi ahaanba waraaqdaasi laga soo maleegay guriga saylici , siyaasiyiinta u hormuudka ka yahay Ex M/kuxigeen Cabdiraxmaan AW cali faarax ayaa iyaguna aad uga cadhooday sobobta keentay in xiligan kala guurka ah dhacadadan sida foosha xun loosoo agaasmaiay ka dhacdo gobolka Awdal.

isku soo wada duubo, waraaqdaasi lagu sheegay xil ka xayuubinta ayaa gabi ahaanba la laalay.
wixii warara ee ka soo kordha kala soco subulaha news.

ku soo biir Subulaha news network..facebook/subulahanews