Bulshooy, dhalinyaraay, duqeytiyeey, cuqaaleey, doo duma baahna ninkaas c.laahi dheere ee shaley sheeganyey daarood in uu maanta wadnihii samaroonka ka dhex booriyo oo uu qudhun iyo qadhmuun asagoo cidna u aabo yeeleyn la soo horfadhiisto Jaldiweynahaasi dhalinyartii ubaxa ahyad.

Guulwade in uu ahaa dhalinyartu ma garanayaan, taariikhdiisii hore ma garan karaan, waxa kaliye ee dhalinyartaas hodayaa waa jaldigaa wayn! Cid habar cafaan cadow u ah ma jirto, dad iswada dhalay oo isku dhiiga ah weeye, dad xeydaan kuwa jira weeye, dad xabadaa furunka ka ah kala goosta weeye. Doqon baan gu’ iyo dayr kala garam mid ay tahay oo hadba dhan u guurtee.

Jaldiweyne, in yar arke, cudurkaas uu faafinaayo waxaan Eebe ka baryeynaa in uu inaga xijaabo siiba dhalinyarow. Habar cafaan waa gob, waa wehel, waa arliya, waa dad sharfeed, waa aqoonyahano, waad dadkii asalkii ee borama shidaayey, waa dad dumarkoodu ragga baro-dhaafiyey, wanaag iyo akhalaaq fiican baa lagu yaqaan ee dhalinyarow iyo reer awdalow, bal fiiriyo afkaas aan xayada lahayn ee a ka soo butaacey guulwade!

Hadii aad soo saari weydaan oo aad banka soo dhigiweydaan jaldiweynee idinkaa u qooma meyn. Ubaxii beri baa tihiin, in aad dhaxashaan xumman, xasad, xafiiltan, xiqdi, iyo xayo la’aan waan ka hortageynaa idiin ma ogolin, cid cid cadow ku ah gedebuursi ma jirto waxba tartankan yari yaannu walaalaha ka kaxeyn. Ul iyo diirkeed beynnu nahay, hooyadeey qabiil uma nacaayo, unna xumeymaayo, waalid caasi noqonmaayo, abtigeyna il xun ku eegi mayo…………..xaaraan!

Waar cadowga uu sheegayo jaldiweyne oo afar shillin xukuumaddan ka heley oo aan taarikhdiisii hore si buuxda u heyno muxuu yahay. Hunguri kaliya yaa ka hadaaqinaaya waxba idiin ma soo wado, waxa uu moodayaa haddii kulmiye la tuuro in ay arsaaqadiisii laalmeyso. Waxaan ku ballan qaadeynaa in dhallinyarooy aynaan ka hadhin dambiilahaas.

Ma jiro cadow!

You should always keep in mind that. Narrow-minded and selfish individuals often spoil relationships! We love each other, we are one and we do not entertain fragmentation and ill-fated policies!

Fiiro gaar, foojinaan, iyo fartaadu waxay beri kuu goyso!!

Waad mahadsantihiin

Qalinkii A O Amir

ku soo biir Subulaha news network..facebook/subulahanews