U kuurgalka Waqtiga Tiiha/Jahwareerka
In La raadiyo xadaaradii aynu lahayn waa shardi assaasi u ah garashada cidda aynu nahay? Iyo
baadigoob ka masaafada inoo dhaxaysa inaga iyo umadaha kale ee horumartay xadaarad ahaan
iyana waa qodob kale oo muhiim u ah in aynu fahano halka aynu taaganahay? Sida ay muhiim u
tahay in la baadho sababta horumarka iyo dib udhacaba, looguna tilmaami karo arimaha gundhiga
u ah in la fahmo god dalloolooyinka dhanka fikirka iyo aqoontaba.
Waqtiga lagu jiro Tiiha/Jahwareerka, waxaa tiro beela kuwa ka hadla wax walba (Afmiishaarada),
waxaana yaraada aqoonyahanada sameeya baadhis qoto dheer, waqtiga tiiha waxa ay bulshadu u
baahataa booqashada dhanka ruuxiga kuwaa oo lagu daaweeyo xanuunada oo dhan aqriska
quraanka oo kali ah, markaa waxaa lagu tartamaa furitaanka goobaha loo yaqaan cilaaajka ama
(Daarul Shifa) ee dhanka maskaxda, kuwaas oo ka aradan ama aan lahayn aqoonyahano takhasus
u haysta dawaynta dhanka maskaxda/nafsiga (psychologists), Waqtiga jahwareerka waxaa
yaraada xarumaha lagu baadho xanuunada ku dhaca nafsiga ama bulshada taas oo ka dhalata
hirdanka xadaaradaha ama waqtiga iyo iska horimaatinka joogtada ah iyo dhibaatooyinka
bulshooyinka la soo darsa, Sidaas oo ay tahay kitaabka Quraanka ee casiiska waxaa loo soo
dajiyay si uu u daweeyo dhalanteedka nafsiga iyo fikirkaba Iwm
Waqtiga tiiha/jahwareerka waxaa bata khatiibyada/Imaamyada, waxaana yaraada aqoonyahanda
diinta, intaas waxaa ka sii daran in ay noqoto fahamka guud ee laga qabo waxwalba mid
xiddidaydu ay dheer yihiin, waqtiga lagu jiro jahwareerka, qof walbaa wuxuu noqday aqoonyahan
gaar u suntan, waxaana ay faaqidaan nolosha iyaga oo u eegaya fikirkooga gaarka ah, taas oo ay
faahfaahiyaan dhibaatada gun dheerida u saaxiibka ah.
Waxyaabaha ugu layaabka badan ee waqtiga tiiha lagu jiraa, waa in dadku ay u tagaan wadaadada
diinta, waydiiyaana wax walba, waxaana ka sii yaab badan tu walba, in ragga wadaadadu ay ka
jawaabaan wax walba iyaga oo aan u celin marjic leh takhasuskeeda. Waxaan maqlay maalintii igu
yaab ka badnayd fatwa yaab leh oo uu lahaa nin caalim caan ah kuna saabsanayd umuuraha
shaqada iyo mushaarka, waxaan uu uga jawaabay mawduucaas si deg deg badan, uma uusan
sheegin dadka, in arintani ay leedahay saldhig aqooneed oo xagga dhaqaalaha, iyo dhinaca fikirka,
anigu laf ahaantay uma lihi aqoon gaar ah labadaa dhinacba, waxaana ay tahay in aan la tashado
kuwa u leh khibrada/aqoonta dhanka fikirka shariciga, maxaa yeelay, xukunka waxaa laga soo
dheegtaa in la suuraysto marka horeba, hana u walwalin waxay ka mid tahay waqtiyada
jahwareerka
Waqtiyada jahwareerka/Tiiha, waxaa uu noqdaa aqoonyahanku bilaa hub/agab, waxaana uu
noqdaa aqoonyahanka dhanka sharciguna shaqaale ama u adeege ninka aan u saaxiib ahayn
caqliga ee maamulka jooga, waxaa uu hogaamiyaasi isku dayaa in uu noqdo ninka kali ah ee loo
celinayo sida dhabta umuuraha ku saabsan nolosha, markaas bay noqotaa noloshu mid ka aradan
macaanka xaqiiqdii, waxa kale oo ay lumisa dhadhanka iyo macnaha ay samayso, dhalintu
markaas bay bilaabaan in ay ka hor yimaadaan xaaladaa lagu jiro, markaas bay iska waydiiyaan si
aan gabasho fikir lahayn, maxaa inaga oo kali ah ugu jirnaa tiiha/jahawareekan? Jahwareerku ma
wax inaga oo kali ah la inoo qoray baa? Dhanka eebe inooga yimid baa? Sababma?
Waqtiga lagu jiro jahwareerka, waxa ay noqdaan dhaqdhaqaayada diinigu kuwa bilaa
mashruuca/Aragti ah, waxaana ay dib ugu noqdaan dhanka danbe, waxa kale oo uu noqdaa
aqoonyahanka diiniga ee wayni mid si gaar ah takhasus ugu haysta dhanka ka saarida jinka dadka
xanuusan, taasina waa farshaxan leh hawsheeda waqtigan aan ku jirno, noloshuna ay noqotaa
mid dib usocod ah, Dhaqdhaqaaqyada ururadu sida caadiga waxa ay leeyihiin aragti horumarinee
, laakiin waqtiga lagu jiro tiiha/jahwareerka waxa ay ka baxdaa dabeecadaas si ay uga mid noqoto
waqtiga jahwareerka.
Hadaba, marka lagu jiro waqtigan oo kale, waxa soo if baxa is maandhaafka u dhaxeeya ragga
xarakooyinka/dhaqdhaaqyada diiniga kaas oo ku saabsan, kuma ayaa doonta
wadaya/hogaamaniya? Maxaa yeelay ujeedadii ayaa is badasha oo waxa ay noqotaa hay’ad diini ah
waxaa ayna isku badashaa xarakad khayri ah (Caawimada ku lug leh), waxa ay leeyihiin lacago
xoogaa ah iyo xoogaa hanti ah, markaas bay ka dhex qaraxdaa, waxaana bata is qabqabsiga,
waxaa yaraada hanka, waxaa sidoo kale bata damaca bilaa xisaabta ah. Maxaa yeelay waxa lagu
jiraa jahwareer/tiih
Waqtiga lagu jiro Tiiha/Jahwareerka, dhamaan waxaa la noqdaa bilaa su’aal oo waxaa ka
dhamaada nolosha jawigii wanaagsanaa ee is waydiinta iyo baadhidu ay asal ka u ahayd, maxaa
yeelay waxa uu mid walbaa aaminsan yahay kan kale in uu yahay mid laga dhex hadlayo, waxaa
lagu jiraa waqti tiih, Bulshada ku jira jahwareerka/tiiha, ama doonta tiiha, waxaa bata
waraabaha/dhurwaaga waxaana soo gaabta aragtiyaha, waxaana ay cilmi baadhis tu ay noqotaa
mid bilaa u jeedo ah, waxaana ay dadka qaarkii ay ka dhan tahay in horumarku ay ku dhamaato
in la helo ama aad qaadato shahaadad sare adiga oo aan lahayn fikir xeel dheer, taasi waxa ay kaa
filnaanaysaa in aad sidato xarafka (D) ee darajada si aad uga hesho soo dhawayn aan loo kala
hadhin bulshooyinka kala qaybaha ah, hana waydiin, sababta ay u noqotay cimaamaduhu in ay
matalaan fahanka diiniga ah? Shahaaduna ay u matasho aqoonta? Waxaana jirin cabir sugan oo
lagu garto waxa uu yahay horumar ama dib u socod, taasina waxay qayb ka tahay waqtiga lagu
jiro tiiha
Waqtiga lagu jiro tiiha, bulshadu waxa ay raadiyaan deganaasho, madaxduna waxa ay baadi
goobaan deganaansho maamulkooda ah, halkan bay ku kulmayaan, laakiin mid walbaa waxa uu
iska leeyahay deganaanshihiisa, xasiloonida madaxdu waa in aanay jirin wax hadidaad ama
carqalad ku ah xukunkiisa siyaasiga ah, xasiloonida bulshaduna waa in ay helaan nolol
maalmeedkooda dhiifta leh, iyo in aynan jirin degaal sokeeye, taasi waxa ay ku tusinaysaa in
aysan jirin cabir cilmiyeysan oo sugan laguna garto xasilooni waxa ay tahay, sababtuna waa in
lagu wada jiro tiih.
Waqtiga jahwareerka/tiiha, Dumarku waxay noqdaan jidh, markaas ayuu wadaadka diintu kusaleeyaa
fikirkiisa inta ku saabsan jidhkeeda oo kali ah, taasina waxay u badisaa khudbadiisa diiniga ahi umuuraha
dumarka iyo asturnaantooda oo kali ah, si ay tahay oo kali qaab dhismeed jidheed oo kali ah, kama hadlo
karamaada dumarku halka ay diintu gabadha ka joogto illaa ay noqotay meel waxyi ahaan loola
waxyaabaha ay Sida () يا مريم اقتنى لربك ، واسجدى ، واركعي مع الراكعين ( ) Cimraan Ina Maryan hadlay
ay muhiimada hore ay diintu uga hadashay ay tahay caqliga gabadha iyo garaadkeeda (Boqoradii
Saba), Markaas bay gabadhu ku dhex luntay laba arigtiyood oo mayal adag, kaa diiniga ah ee
dhanka ka raran iyo kaa kale ee cilmaaniyada ku salaysan, labadadooduba waa ay ka dhacsan
yihiin mawduucan, sababtuna waa jahwareerkan/tiiha lagu jiro
Waqtiga tiiha/jahwareerka, warbaahintu waxa ay ka hadlaan fitno, sida uu warbaahiyihu u
yaqaano fitnadu waa in ay tahay shacabku in baahi u qabaan si ay u helaan xoriyad iyo cadaalad,
taasina dhab ahaantii waxa ay khatar ku tahay xasiloonida, Marka lagu jiro tiih ama jahwareer,
waxaa aynu leenahay mashruuc siyaasadeed dhan oo ah sidii looga hadli lahaa u hogaansanida
madaxa u sareeya, wixii intaa ka baxsana aanu haboonayn, arin aan intaa ahayn aynan haboonayn
in laga hadlo, sidaa daraadeed, waa in lagu marti qaadaa dhamaan aqoonyahanada fikirka siyaasiga
si ay ugu fasiraan sida ay danta ugu jirto hogaamiyaha marar ka qaarkood, ama sida ay u dan ah
in la helo maslaxad xasiloooni siyaasadeed marar ka kale, markaas buu noqdaa arinkaasi mid ka
kali ah ee sugani dhanka warbaahinta, sababtoo ah waxaa lagu wada jiraa wareer tiih
Marka lagu jiro Tiiha/jahwareerka, Masaajidku waxaa uu noqdaa mid aan sidin fariin, waxaana uu
noqdaa hoy dadka howl gab ka ah, iyo kuwa laa daalaa dhacay hirdanka nolosha, ama kuwa dhex
fadhiistay fashilka waqtiga tiiha., marka lagu jiro waqtiga tiiha, waxa ay noqotaa khudbadu go’aan
siyaasadeed oo ay hagto Wasaarada diinta iyo awqaafta, ilaa maantana wixii ka danbeeyay
kacdoonkii carabta, waxay noqotayba maqaaladii sirdoonka, waxa uu sheekhu soo jeediyaa
khudbad minbarka dushiisa ah, ileyn waa loo soo diyaariyey, isaga oo ah sii gudbiye fikirka la soo
diyaariyey, waxayna ay ka dhigan tahay taasi in uu yahay qalab u akhrinaya dadka waxa ay nan
fahmayn, waxaan uu leeyahay waxa uu ku qanancsanayn, sababtu waa isaga iyo iyaga, iyo
dhamaan dadka ku jira tiiha.
Xaalada tiiha/jahwareerka, dadku waxa ay u dhintaan si aan lahayn tiro, waxaana ku dhashaan
bilaa qorshe, waxaa ku dhex faafa xanuunada aan lahayn gabaad, degaanadu waxa ay soo jiitaan
xanuunada dilaaga ah, waxaa yaraada hanaankii aynu isaga ilaalin lahayn ama u dawayn kari
lahaynba, su’aalina kama taagna arinkani, balse waxa uu khilaaf ku xoogiisa ku salaysan yahay
qabiilka xukumaya wadanka? Iyo boosaska ay kala helayaan reeraha qaarkood?
Xaalada tiiha/Jahwareerka, waxaa jira doodaha ama muranka siyaasadeed ee aan lahayn macnaha
badan, sida ay u qaybsanayaan qabiiladu boosaska, taas oo dhab ahaan lahayn macna sii fog,
iskaba dhaaf in ay faaiido leedahay, maxaa yeelay dawladu dhamaan waxa ay ku jirtaa jeebka
hogaamiyaha/xaakimka, sababtuna waa in ay maqan tahay fahamkii saxda ahaa ee aynu ka lahayn
nolosha, waxa aynu ku jiraa xaalad jahawareer
Waqtiga lagu jiro jahwareerka/tiiha, dadku waxay u fikiraan danahooda gaar ka ah, kaasi waxaa
uu xadayaa xoolihii umadda bilaa tirro, laakiin waxaa uu ku noqday shaqadiisa mid xariif ku ah,
Kan kalena waxaa uu ka dhigayaa wasaaradii loo igmaday xarun ay gaar u leeyihiin qabiilkiisa,
markaas buu noqdaa geesi u tirsan reerkooda, maxaa yeelay waxa uu fahmay ciyaartu sida ay u
socoto, Kaa kalena waxaa uu ka ag dhawaadaa kaabbaha beesha, markaasuu ka guursadaa
xigaalkii, sidaasuuna ku gala fagaaraha hogaanka si balaadhan, ku kalena waxaa uu si fudud ku
gaadhaa xagga sare isaga oo ka qoray maqaal hogaanka sare ama uu ka akhriyaa khudbad ku
saabsan geesinimada uu leeyahay halyayga kali ah, ama sidoo kale u tiriyaa maanso/gabay ku
saabsan waxqabadkiisa, taasaana ay tahay ta ugu haboon ama ugu fudud ee uu ku gaadhi karo
ujeedada kama dambays ah, markaas bay noloshuna is huursataa, qofna aanu dhuganba waxa
socda, ileyn qof walbaa waxa uu ku mashquulsan yahay umuurihiisa gaarka ah, kuwa wax
fahansani way ka digaan, kuwa kalena waxa ay ku odhanayaan: Waa maxay sababta uu isaga oo
kali ah u arkayo waxa aynaan arkayn anagu? Dhabtii waxay ku jiraan tiih cajiib ah, taasina waxa
ay mid tahay xaaladaha jahwareerka/tiiha
Marka lagu jiro jahwareer/tiih, dadka intooda badan waxa ay ka baqaan hadhka, ama naftoodaba,
sababtoo ah waxa ay u qaybsameen laba shaqsiyadood, shaqsi waxaa uu arkaa xaqiiqdu sida ay u
jirto, shaqsiga kale waxa uu ka arkayaa maslaxada dhanka kale, waxa uu ku jiraa habeen mugdi ah
isaga oo ku taagan xaqii, waxaa ay tahay in dharaarnimo lagu jiro iyo arinka oo cad laakiin ay
maslaxadi ku jirto
Waqtiga lagu jiro jahwareerka, ma jiro baqdin laga qabo mustaqbalka, wax walbaa waxa ay ku
jiraan gacan ta Ilaahay, laakiin waxaa cabsi leh waqtiga hadda taagan, ileyn waxa ay ku jirtaa
gacanta hogaamiyaha guud, !! Alla miyaynan ahayn cabqarnimo In lala wadaajiyay Ilaahay shariik,
marka lagu jiro waqtiga tiiha, waxa uu qofku ka laba labeeyaa shaqo ay ahayd in uu qabto, waxa
uuna ku qancaa in duruufahu ay ka dhigeen tu laba kaclaysiisa, waxaana uu is waydiiyaa, waa
maxay sababta uu san ugu jirin qoyska xukunka jooga? Waa maxay sababta uu u noqon waayay
qof lacag leh sida hebel oo kale? Taasina waa suaalaha la is waydiiyo waqtiga lagu jiro tiiha, waxaa
uu qofku is ku hawlaa baadhis aan macno badan lahayn, waxaana uu isaga tagaa tii dhabta ahayd,
sidaas buu na ugu jiraa tiih, dadka la deganina ay ugu jiraan tiih/jahwareer
Waqtiga lagu jiro tiiha/jahwareerka, waxay dadku ka xoroobaan mabaadi’da, waxay qaarkood ka
baqaan is adoonsiga, markaas bay is ka horimaadku uu hirgalaa, jacaylka xoriyada, laakiin aanu
garan waxa uu ka xoroobayo? Umaddaha dib usocod ka ahi marka lagu jiro xaalada jahwareerka
ahi, suurto gal ma aha in ay dadku arkaan waxa ka baxsan sanduuqa gudihiisa kujira, ama ka
badan ba, xaalada jahwareerka, sanduuqaa reernimada, kiishka siyaasadeed, godka
diinigu/madhabiga iyo sanduuqa bulshaduba, waxa ay dhab ahaantii tahay mugdiyo isa saaran, oo
hadii uu qofku saaro gacantiisa aanu arkayn
Waqtiga lagu jiro tiiha, waxaa joogsada samanka/waqtiga kaa faaideysigiisa, waxaa fadhiid noqdaa
caqliga, waxaana uu fikirku waayaa hilaaciisa iyo iftiinkiisa, waxay noqotaa xooluha/agabka ujeedo
kama danbays ah oo oo nolosha laga leeyahay, markaas bay noloshu cidhiidhi gashaa, maxaa
yeeelay, tartanka halkani maaha mid ku saabsan dhanka qiimaha nolosha mabda’iyan, laakiin waa
dhanka dhuuniga oo kali ah, waxaana ay isku badashaa midig iyo bidixba
Waqtiga lagu jiro tiiha/jahwareerka, waxaa uu siyaasigu necebyahay kan kale, markaas bay
bulshadu bixiyaan qiimaha uu leeyahay dhibku dhab ahaantii, waxaa maanta tusaale kii ugu
danbeeyay aan u soo qaadan karnaa cunaqabataynta ay carabtu saareen qadar waqtigan aan ku
jirno, waxayna ka tahay jahwareerka aan ku jirno, Waa maxay sababta ay siyaasadu u soo
faragalisaa nolosha qaybaheeda kala duwan marka aan ku jirno jahwareerka? Waa maxay sababta
ay u timaado caadifaduhu marka ay xidhiidhka guud ee bulshada laga hadlayo?
Maamulku Wuxuu ku jiraa jahwareer, shacabku waa jahwareersan yahay, guud ahaan caalamkuba
waa la jahwareeray, kii wax korinayay waa uu dawakhsan yahay, kii fikirka keeni lahaa tiih ba uu
ku jiraa, (Aayad: سنة أربعين األرض فى يتيهون (Waxa ay ku dhex jahwareersan yihiin dhulka afartan
sano) laakiin suaasha taallaa waa: Maxaa aynu inagu tiiha ugu jirnaa? Waa maxay sababta ka
dhigay tiihu in uu ka mid noqdo xayndaabka nolosheena waqtigan? Maxaa aynu kaga bixi karnaa
tiiha?
Waa aynu sii wadi doonaa su’aalaha ku saabsan waqtiga tiiha, u kuurgalidiisa, iskaba dhaaf fikirka
dhabta ah ee sidii aan uga bixi lahay xaalada jahwareerka, laakiin ma aha xikmadu in aan kaga
baxno mawduucan inta aan sheegin in ay jiraan awood dhalinyareed oo u uleeyahay wadankeenu
si aynu uga baxno xaalada jahwareerka ama tiiha

 

 

W/Q: Cheikh Abdirahman Bashir (Afcarabi)
W/Turjumay: Abdifatah Hussein (Af Soomaali
Email: fataax11@gmail.com
Facebook: https://www.facebook.com/abdifatah.hussein.395
Fiiro Gaar ah: Waxaad naga fishaa maqaalka oo English ah

ku soo biir Subulaha news network..facebook/subulahanews