Borama(SBN)Gudoomiyaha Muraaqibiinta Gobalka Awdal ee Xisbiga Rajada Shacabka ee Wadani Mudane Maxamed Sheekh Faarax Cilmi ayaa Furey Tabobarka Wakiilada Xisbiga u matalaya doorashada madaxtooyada Somaliland ee 13ka November, 2017.

Tabobarka oo ay kasoo qayb galeen ilaa 260 wakiil oo Xisbiga Rajada Shacabka Wadani u matali doona doorashada ay si habsami la’aan ah isla markaan hufan uga furmey Heteelka Rays ee magaalada Borama. Wakiiladan oo dhamaantood xisbiga u matali doona doorashada goobaha ay cod-bixintu ka dhaceyso dhamaan degmooyinka gobalka awdal ayaa si wanaagsan uga faa’idaystey isla markaana ka koroshsadey aqoon iyo faham dheeraad ah oo ku sahabsan xeerarka doorashada madaxtooyada iyo habraaca xalinta cabashooyinka iyo muranada doorashada madaxtooyada Somaliland.
Tabobarkan oo ay tayadiisu aad u sareysay waxa ay wakiilada ka caawin doontaa fahamka guud ahaan qaabka ay doorashadu u dhaceyso iyo xaquuqda ay leeyihiin wakiilada matalaya murashaxa madaxweynaha ee Xisbiga Wadani mudane Cabdirahman Cabdilahi Maxamed Ciro. Waxa kale oo wakiilada lagu tabobarey qaabka ay ula soo xidhiidhi lahaayeen wakiilada xisbiga ee heer degmo, gobal ama qaranba.

Guntii iyo gabogabadii waxa tabobarka halkaas ku soo afmeerey gudida wakiilada ee heer degmo iyo gobalba.

ku soo biir Subulaha news network..facebook/subulahanews