Waxa ururka bulshoweynta iyo dhalinta soo gaadhey xog yar oo ku saabsan arrimo la soo darsey kooxo madax ah oo ay xummadii doorashadu asqeysey una jiifa. Dhakaatiirtii xaley loogu yeedhay gurmad daaweyn waxay noo xaqiijiyeen in illaa shan madax oo ay ka mid yihiin kuwa goloyaasha (Guurtida, baarlamaanka, iyo saddex wasiir) ay u jiifaan shuban biyood, madax xanuun, lafa garaac iyo hurdo-qarow , cabsi-badani ku ladhantahay.

Xummadaasi oo si ba’an hadda u heysaa raggaasi waxaan Eebe uga baryeynaa in uu ufududeeyo. Calaamooyin la mid ah yaa lagu sheegayaa dhowr qof oo ka kala socda Komishanka iyo Maxkamada sare. Waxa kale oo togdheer laga soo gudbiyey in suldaano iyo boqoro ayna guryahoodii ka soo bixin laba maalmood, shubankaas awgii. Xogtii u dambeysay ee ururka bulshoweynta iyo dhalinta xalalaal quutayaasha ahi heleen waxa u sheegaya in saddex ka mid ah gudidii abaaraha iyo ururinta kaalmada ay iyaguna u jiifaan calaamooyin la mid ah kuwan aan soo sheegney.

Waxa iyadana la sheegayaa in daawooyinkii loo qorey qarawgan iyo riyadan cabsida badan ee la soo daristan madaxdan loo diray Emaaraaka (Dubai). Aad iyo aad bey ururka bulshweyntu ugu kalsoonyihiin xogaha iyo sirta ay ka helayaan arrimaha doorashada la xidhiidha iyo manbacyada ay xogtaasi ka soo baxyaan.. Ururka waxa kale soo gaadhey in xumaddan cajiibka ah lagu sheegey raga badan oo kala jooga Djibouti iyo Emaaraadka oo ah kuwa lacagaha madow ee doorashada (Black money) u soo xawila kulmiye.

Waxa kale oo soo gaadhey ururka bulshoweynta in kulmiye horey uu ugu tashadey sidii kaadhadka codeyta si dadban loo adeegsan lahaa, arrintaas oo kharash badan lagu bixinaayo. Waxaan wali inna soo gaadhin ururadii iyo kormeeryaashii caalamiga ahaa oo la filaayo in todobaakan soo socda ay badankoodu yimaadaan. Warqad yey ururka diyaariyeen oo ah codsi ay ka codsanyaan in xukuumadu u fududeyso kormeerayaashaas in ay tagaan gobol kasti ama goob kasti.

Foojignaan, fiiro-dheer, ficil hufan, fartaada oo diyaarsan!!

Qalinkii A.o.amir

ku soo biir Subulaha news network..facebook/subulahanews