Rafashada iyo dus-duska xisbil-xaakimku wuxuu sii galey geer culus, wuxuuna rabaa in uu buurtii Surad iyo simoodi ku jiidho. Xaley waxa xogtii u dambeysey laga soo helay Djibouti oo laga soo xawiley lacag gaadheysa 8 million oo loogu tally galey geerka culus. Shaley waxa dhalinyarta soo gaadhey xoggo ay ka midyihiin afartii dhardhaar oo shax kale dejinaaya ka dib markii ay ogaadeen in huwantoodii ay fashilmeyso oo hey’adaha internationalku soo gaadhsiiyeen qoraallo digniin ah. Hogaanka guurtida ayaa qanciyey oo u yeedhey ninka loo yaqaan maqam sare oo la doonayo in uu xagga hey’adaha caalamiga ah ka caawiyo. Maqaan sare waxa maanta la fadhiisanaaaya saddex nin oo wasiiro ah, lana diyaarinaaya doorka loogu tallo-galey.

Waxay ururka dhallintu iyo bulshoweyntu xallaal quutayaashi ahi go’aansadeen in la gaadhsiiyo arrintan hey’adha caalamiga ah ee dunida saddexaad ka caawiya doorashooyinka iyo wixii la xidhiidh dawlad abuurka. Waxa bulshoweynata iyo odey-dhaqameedka looga digayaa:

1. in aynaan hunguri ku duleynin damiirkeena iyo garaadkeena,

2. In aynaan qiimaha shaqsiga xorta ah loo waxyeeleyn daneysi

3. In aynaan mustaqbalka cad ku wiiqin afar shillin

4. In aynaan mustaqbalka caruurtaada ku madoobeyn aragti gaaban

5. In aynaan reer garabsi iyo talla’ayeey ku masaxin horumarkii labaatankii sano

6. In aynaan xeerka dawladnimo iyo sharciga ku bedalin daneysi shaqsi

7. In aynaan ku waa illaaliya sharciga ama fuliya ku iibsanin afar gambo

8. In aynaan humaag been ah tusinin hey’daha caalamiga ee kormeerka iyo marakaca ah

9. In aynaan dhagax tuur iyo wasakheyn kula meereysan habsami u socodka doorashada

Geerarka fudud ee kulmiye dhaqan geliyey: wax ka mid ah gacan hoose oo xambaarsan gambooyin in lagula tacaallo saxaafadda, idaacadaha iyo TV yada, iyo kaadhadhkii codbixinta.Buylshowenta waxa looga mahadcelinayaa sida fiican ee illa hada ay u dhago-dhegeynayaan, una indho-indheynayaan gaar ahaan hawlaha ay wadaan afartan dhardhaar. Laakin waxa loo baahanyahay in xawaaraha ay ku socdaan afartan dhardhaar mid ka dheereeya aynu u guntanno. Afarta waxa hogaaminayaa higaanka guurtida sidaan horeyba u sheegney……………………..wuxuuna ku sifoobey shabeelkii shaarubuhu boodhka geliyey. Waxaanse idiin sheegeynaa bulshooy markaad dhambaal soo tuurtaan in uu ku noqonaayo dhul-gariir iyo dhimbiil sacabka loo saarey.

Wararka soo gaadhaya ururada bulshada xalaal-quutaha wax aka mid ah:

1. Kooxo gangs ah oo la diyaariyey tabarna la siinaayo si ay carqalado u abuuraan

2. Farriimo been abuur ah oo la dhigaayo face-buuga

3. Timir badan oo la rarey tuulooyinka liita oo laga doorsanayo codkooda

4. Kooxo tigidhada laga soo bixiyey oo ka soo qulqulaayo wadanada dibada

5. Hanjabaad qaawan oo rag aqoonyahan ah loo soo diraayo.

Quluubta bulshoweynta xallaal quutaha waxay hore u raacdey ugu calaqantahay xisbigan la yidhaa wadani, cid bedali karta quluubtaas ma jirto.

Waxaan leenahay afartan odey iyo walaalaha kale in ay ku shaqeeyan ka qaado kana code!! Hase yeeshee ay ka soo jeedaaan una dhabar adaygaan irbada suuxdinta ah ee lagu hayo!!

Ma suuxeysaan! Subxaanallah!

Ma saaqmeysaan, Subxaanallah

Ma sumoobeysaan, subxaanallah

Ma seexaneysaan, subxaanallah

Ma seegeysaan, subxaanallah

Ma siriireysaan, subxaanallah!!

Sowdkiina siiya kan idin samatobixinaaya, kan idin sooryeynaaya, kan idin sareysiinaaya abidkiin!!

A.O.Amir

ku soo biir Subulaha news network..facebook/subulahanews