Goobtu waa boorama, Saacadu waa 10 habeenimo bishuna waa 28, 2017 waxa noo yimi Cawil iyo Claahi M ducaale oo wasiiro ka ahaa xukumadii daahir rayaale.
Waxa iyaguna noo yimi abaaro 1dii habeenimo Ragkale oo udub tiiya oo uu hormuud u yahay Gudoomiye Sanwaa Cumar yare. markii aanu eegnay labadii dhinac, waxaanu ogaanay inay xaga dardarta iyo khidadda ay ku horeeyaan dhankan ina cumar yare watay iyagoo noo taabtay ujeedada iyo rabitaanka shacabigu uu ku doortay xisbiga wadani. Halka Cawil iyo raga kale noo sheegeen in muuse uu yahay mujaahid aanu ciro la tartami karin. dhanka aanu u aragnay macquulka ayaa waxa ka mida hadalada nasoo jiitay. Ciro hogaamintiisa iyo latashigiisa iyo degenaantiisa ka sokow, dadku waxay wadani u raaceen waa noloshii somaliland oo adkaatay isla markaana aanay suuro gal ahayn inay dadku isku sii adkeeyaan nolol maalmeedka. waxa sidaa nagu yidhi nin la yidhaa Galaydh. waxa ku xigay hadalkan. Dadkeenii maanta waxay muujiyeed inay fahmeen sida laysaga dhiciyo Xukumad Fashilantay, oo waxay isugu tageen xisbiga shacbiga ee wadani sidana waxa yidhi Sanwa cumar yare. Shacbigu hadii uu isla jaanqaado dawladkasta wuu ka adagyahay ama hala xidhxidho ama haloo hanjabee, waxaad maanta aragtaan dadkiiyoo qabiil halkaas iska dhigay oo kumidoobay xisbi kaliya waa Wadani. halkaasuu sanwaa kaga baxay.
ninkale ayaa hadalkii qaatay oo yidhi, muuse biixi godob buu ka galay beelaha hareeraha oo cod uma yaal kuwa la joogaana waa kuwii ku cadeedyay inuu dambiile yahay. markaa codkiina siiya. nin dhankayaga ka hadlay waa Caydaruus Odowaa ayaa nimankaa udub wada garanayay si fiicana wuxuu u tilmaamay inay ololaha iyo fajidaba yaqaanaan kooxahani. wuxuu ka sheekaynayay ilaa 30 minid. wuxuu si farshaxanimo ku jirto u sharaxay sawnaa oo uu sheegay inuu yahay nin hindisa khidado aan laga dabaalan karin isagoo soo qaatay dhalinyaro jaamacadaa ku jirtay oo uu u dhiibay waraaqo ay ka duulayaan marka ay cambaaraynayaan kulmiye taasoo keentay saamayntii ugu balaadhanayd uguna saamaynta badnayd gobolka awdal ee lagu diido kulmiye.
dadwaynahaa somaliland ayaa hadaba aan sooba qaadin xisbiga ucid oo ay u arkeen in musharaxoodu ku mashquulay cayda cabdiraxmaan ciro. shaki kuma jiro in reer boorama ay qaateen tubta uu jeexay xisbiga wadani halka kulmiyena uu soo rarayo dad marti ku ah gobolka taasoo keentay in kulmiye uu ku guuldaraystay hanashada reer boorama.

Cirsan Kayeedh Cartan
cirsankayeedh22@outlook.com
Address: Maqaamka Sheekh Madar
Mobile # Wali ma qaadan

ku soo biir Subulaha news network..facebook/subulahanews