Bulshadu wixii ay horey u araktey una iclaamisey ayaa mid mid iska soo dabadhacayaa. Waxaynu hore u soo aragney dabinnada iyo khiyaamada ay maleegayeen Maxkamada Sare iyo Hogaank guurtida. Waxaynu hore u soo sheegney in labadani ay xummad iyo qandho ay heyso oo ay karkarayaan, soona bixi-doonaan.

Waxa shaley labuduba intay is heysan kari waayey sidaan fileynay ay ilmadii yaxaaska u qubeen ayagoo qiiqii horey aan u soo aragney si fican isugu dadey kuna hadaqaa [Digniin baan u direynaa xisbiyadaa loolamaya! Bulshada xalaasha ee Somaliland horey bay uga dagaalameen budhcadnimo iyo xaqdaro. Sideed sano ayey ku dhawdahay in gangs ay meeshan ka taliyaan, sharci ahaanna ahayd 5 sanno!!

Dhardhaar saddexaadna wuu dadley oo asguna uu digniin la mid ah u ndirey asxaabta. Waxaas oo dhan inaguma cusba, horey baynu u ogeen, horey baynu u darisney kana tabaabusheysaney. Doqon baa gu’ iyo deyr gala garan mid ay tahoo hadba dhan u guurtee. Waxa keliya ee bulshadu uga adkaan gartaa afartan cago-baruur [maxkamad, boolis, guurti, komishan] in ay u adkeysato xaq ku dirirka oo ay tiristo illaa inta xaqu guuleysanyo!!

A.O.A

ku soo biir Subulaha news network..facebook/subulahanews