Taariikhda waa markii ugu horeysay ee aan ku biiro xisbi kamid ah xisbiyada siyaasadda Somaliland.

Sababta ugu weyn ee aan maanta siyaasadda ugu biirayaa waa dadkaygii reer Somaliland oo ku gudo jira ololaha doorashada ee lagu soo dooranayo hogaamiyayaashii dalka xukumi lahaa (5) shanta sanno ee soo socota.
Markaan darsay, qiimeeyay siyaasadda (3) saddexda xisbi ku tartamayaan waxa ii soo baxday in xaq iyo baadil tartamayo. Sidaa darteed maanta laga bilaabo waxan ku biirayaa xisbiga rajada shacabka ee Wadani. Waxanan halkan ka cadaynayaa in wixii talo iyo tusaale aan hayo ku biirin doono xisbiga Wadani.

Waxan halkan fariin dardaaran ah uga dirayaa dhammaan dadka wax garadka ah ee aanu talo wadaaga nahay.
Walaalayaal waxa maanta tartamaya xaq iyo baadil,Waxa inagu waajib ah in aynu u hiilino xisbiga Wadani ee ay hogaaminayaan sama-wadaaysha Dr- Cabdiraxmaan Cirro iyo Amb- Maxamed Cali.
Dani waa seeto walaalayaal, ee yaanay ina seegin maanta.

Fadlan u codeeya xisbiga Wadani.

Guul Wadani

Maxamed Suldaan Saleebaan
Sweden

ku soo biir Subulaha news network..facebook/subulahanews