War ka soo baxay saddex hey’adood oo loo yaqaan International Transparency Organization (ITO), international strategies center iyo international watch services center ayaa qoraaal wadjir soo saarey oo ku saabsan saadaallin iyo lafa-guris ay samaynayaan doorshada soo socota. Xaruntooda Frankfurt ayaa saaka lagu soo daabacey go’aankii ka soo baxay daraasadda ay ku sameeyeen loolanka siyaasadeed.

Ayagoo isticmaalaya xisaabadka kombuterk gorfeeyo oo loo yaqaan mathematical modelling yaa waxay ku ogaadeen in doorashani ay u horseedi doonta ummadan horumar iyo barwaaqo. Arrinka waxay saddexdan hey’adood si wadajir ugu saxeexeen xarunta ITO ee jarmalka. Barwaaqada ay sahadinayaan waxay ku saleeyaan go’aanku ka soo baxayaa doorasha iyo xisbiga talla qabanaya!

Hab xisaabeed dadban markii la adeegsadey, waxa soo baxay in xisbiga wadani ee uu Mr Cirro hogaaminaayo uu hanan-doono hogaaminta wadankan Somaliland. Xisbigan waxa la ogaadey in aanu marnaba takooreyn labadan xisbi ee kale oo uu si fiican u sooryeyn doono, ugu qeyb gelin doon hogaanka wadanka.

Labo arrimood yaa la sii saadaaaliyey in xisbigan guuleystey ee wadani uu si dhaqso ah ugu dhaqaaqi doono;

1) Xidhiidhka dibada oo dardar cusub la imaan doonta

2) Sahaminta kheyraadka uu shidaalku ka midyahay

Waxa kale oo hey’adhan ay saadaaliyeen in waxoogaa is jiid jiid ah laga dareemi doono, hase yeeshee ay dhalinyarta iyo haweenku dejin doonan oo ay guntiga u xidhanyaan

Sidiincaadada ahayd, waxaan is xasuusineynaa in arrintu ay noqoto waar qofkastow dhinacaaga xasiloonida inoo dhawr

Waxa ay ka walaacsanyihiin saddexdan heya’dood:

1. Komishankan doorashooyinka oo si qaansada u janjeedha

2. Guurtida hogaankeeda

3. Maxkamadda sare

Waxaan soo dhaweyneynaa bulshooy ra’yigiina sidaad is leedihiin waxbaa looga hortagi karaa saddexdaas janjeedha. Cid toosin kartaa lama hayo aan ahayn in caalamka loo gurmado ama in la qaadaco footkaba!

Foojignaan, firficooni, fiiro-dheer, falanqeyn, iyo footka oo la isku diyariyo!!

ku soo biir Subulaha news network..facebook/subulahanews