birrAddis Ababa(SBN)Bangiga dhexe ee Ethiopia ayaa maanta shaaciyay inuu hoos udhimay qiimihii lagu sarifi jiray lacagta birta Ethiopia.Bangigu wuxuu sheegay in qiimihii lacagta birrta hoos loo dhimay 15% laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 15/10/2017.

Qiima dhimista ka hor sarifka Birrtu marka bangigu sarifayo wuxuu ahaa halkii doolar=23birr,hada qiimaha sarifka ee Birrtu waxaa hoos loo dhigay 15% oo ka dhigan in halkii doolar sarifkiisu noqdo 26.45 birr halka suuqa madoow uu kor udhaafi doono 30 birr.

Bangiga Aduunka iyo Hay’ada lacagta ee IMF ayaa sanadihii udambeeyay dowlada Ethiopia ku cadaadinayay inay qiima dhimis ku sameyso lacagta birrta si ganacsiga wax dhoofiska Ethiopia kor oogu kaco.

Dhinaca kale khubarada arimahan ku xeel dheer waxay sheegayaan in lacagta oo qiimaheeda hoos loo dhigo ay horseedi karto sixir barar iyo in qiimaha badeecada dalka dibada uga imaanaysa kor ukaco.

Sanadkii 2010 ayaa sidan oo kale qiima dhimis lagu sameeyay lacagta Ethiopia markaas oo 20% hoos loo dhigay qiimihii sarifka lacagta birrta.

ku soo biir Subulaha news network..facebook/subulahanews