Xaflad ilyartu is qabatay oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa xalay ka qabsoontay hoolka weyn ee huteelka Rays ee magaaladda Borama. Xafladdani waxa cuddudooda ku soo bandhigay Beelweynta Reer Axamed Yoonis oo ka mid ah ardaayadda Jibriil Yoonis, Makaahiil. Beeshan oo ka mid ah kuwa ugu tunka weyn leh beelaha Samaroon, magaaladda Booramana deegaan ku ah, ayaa xalay siyaasiyan si weyn isku muujiyey. Suldaanka beeshan, Suldaan Xasan Xaddi Axmed, oo inta badan loo yaqaan Suldaan Baade ayaa horkacayay haldoorka beesha oo ka koobnaa qaybaha kala duwan ee bulshada sida cuqaal, cullimo, ganacsato, aqoonyahan, haween, dhallinyar iyo qurbojoog.

Dad ku dhow sideed boqol oo ruux ayaa la casuumay, ha yeeshee, dad dhawr kun lagu qiyaasay ayaa iska soo xaadiriyey madasha, inkasta oo hoolku qaadi kari waayey. Beeshan oo cod iyo cudud dhaqaaleba lagu ogyahay ayaa la filayaa inay dhidibada u sii aasaan xoogaga isbeddeldoonka ah ee maalintba maalinta ka danbysa sii xoogaysanaya. Ku biiritaanka reer Axamed ee Xisbiga WADDANI waxa uu dhulgariir siyaasadeed ku yahay xisbiga KULMIYE oo filayay inuu taageero laxaadleh beeshan ka helo.

Suldaan Baade iyo haldoorkii kale e madasha ka hadlay waxay iska daba mareen sida ay beesha uga go’an tahay xaqiijinta isbeddel siyaasadeed oo dalka ka dhaca, waxaanay xukuumadda KULMIYE ku eedeeyeen musuq baahay iyo kala qoqob bulsho oo xadhkaha goostay.

Haldoorka madasha ka qaybgalay waxa ka mid ah Suldaan Baade, Caaqil Rooble Xasan Wacays oo Xildhibaan hore ah, Xaaji Xasan Andaad Cabsiiye oo oday mixtarima ah, Maxamed Daahir Cabdalla, Guddoomiyihii hore ee Gobolka Awdal, Saleebaan Sh. Cabdilaahi Muuse, Xoghayaha Biyaha ee Xisbiga WADDANI, Maxamed Faarax Cawaale, Xoghayaha Warfaafinta ee WADDANI, siyaasi Maxamed Jaamac Abgaal, Garyaqaan Barkhad Jaamac Batuun, Xoghayaha Cadaaladda ee WADDANI, Maxamed Cabdilaahi Uurcadde, Xoghayaha Guud ee WADDANI iyo musharaxa Madaxweyne-ku-xigeenka ee Xisbiga WADDANI Ambassador Maxamed Cali Aw Cabdi.

Ugu danbayn xafladan oo abaabulkeeda maalmihii u danbeeyey laga dareemayay guud ahaan ba magaaladda Boorama ayaa qalbi-dhis iyo quweyn ba u noqonaysa xoogagga ku hawlan dhallinta isbeddel toggan oo dalka ka hanaqaada, halka niyadjab iyo walaacna ay ku abuurayso taageerayaasha xisbigoodu casar-liiqo joogo.

Saleeban cali geele
Borama

ku soo biir Subulaha news network..facebook/subulahanews