Lama arag wali gudoomiye xisbigii uu xilka u hayay fadeexadeeya xili lagu jiro xaalado kala guuro oo xasaasiyadeeda leh balse taa waxa maanta ku kacay godoomiyaha waddani ee gobolka Awdal oo cabasho aan wakhtigan loo baahnayn lasoo horfadhiistay warbaahinta.

Dabcan inbadan ayaa la sheegay in gobolka Awdal saami wayda ku leeyahay awood qaybsiga Somaliland balse wax natiijo ah lagama gaadhin cabashooyinkii badnaa ee iska daba imanayay mana aha mid xisbiga Waddani ka masuulyahay laakiin waa xaajo ka weyn waxana wax ka badali karayay oo kaliya xisbiga haatan talada haysta ee Kulmiye mase dhicin in xisbigaa Kulmiye iyo dawladiisu dhag jalaq usiiyaan cabashooyinkii badnaa ee iska daba iminayay.

Waxa intaa udheer gobolka Awdal intii xisbiga Kulmiye talada hayay cadaadis iyo cabudhin aan gumaysi waxba dhaamin oo dad gaara lagu hayay iyo waliba isku dir madaxa la isku galiyay dadka walaalaha ah ee gobolka Awdal wadda degan.

Iyadow sidaa tahay hadana taageerayaasha xisbiga Kulmiye oo dad aad u ilbax ah lagama hayo cawlwareeg siyaasadeed iyo canaan joogta ah oo ay xisbigaa ku hayaan halka durba taageerayaasha Waddani ay kala hadal iyo habaq la yimaadeen.

Waxana haboon in Murasha madaxweyne ku xigeenka Waddani Mudane Maxamed Cali oo ah nin aad umacaani la yimaado siyaasado lamida kuwii Axmed Muumin Seed oo wakhtigii uu xisbiga gobolka u matalayay aan xisbiga lagu arag isdhexyaac iyo habqan nuucan oo kala ah.

Raga kasoo jeeda gobolka Awdal ee katirsan xisbaga Kulmiye ee Waddani la tartamayi iyaga oo takoor iyo isku dir dhexdhigay bulshada walaalaha ah ee gobolka wada degan hadana maanta waxay ciyaarayaan siyaasad ay gobolka kaga rabaan cod waafiya waxana arimahaa kamida jagada Akhirul Samanka ah ee golaha wakiilada ka banaanaatay ee loo dhiibay ina sheikh Cali Ayaanle oo ah mid wakhtigeedu kooban yahay oo kaliya ku kooban inta doorashada wakiilada ka hadhay.

Dhinaca kale taageerayaasha Waddani ee gobolka Awdal waxa ka qaldan saamiga gobolka Awdal kuyeelan karro Somaliland, waxad moodaa inay aaminsanyihiin in Awdal iyo soomalilandta Kaloo dhani saami isku mid ah ama mid isku dhaw ka helaan wax kasta oo la qabsho.

Taasina waxay ku tusaysaa in ay yihiin dad aan siyaasada iyo waaqica dhabta ah ee Somaliland kajira aan wali u bislaan.

Ugu dambayntii taageerayaasha xisbiga Waddani ee gobolka Awdal waxa looga baahanyahay adkaysi iyo inay la jaanqaadaan siyaasada dalka isla markaana noqdaan dad la isku halaynkaro kuna dadaalaan sidii ay meesha uga saari lahaayeen ku tagrifalka maamulka dawladeed ee ay cadaysteen madaxda xisbiga Kulmiye gaar ahaan kuwa kasoo jeeda gobolka Awdal.

Cabdale Sigad
sigad12345@yahoo.co.uk

ku soo biir Subulaha news network..facebook/subulahanews